SOOMAALIYA IYO LIIBIYA OO KA HADLAY ISKAASHI…
(SAWIRKA)-WASIIR XOOSH IYO DHIGIISA LIIBIYA.
(TRIPOLI)-Ku-Xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Sareeye Guud “Maxamuud Siciid”, ayaa shalay oo Axad ahayd, kala hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Qaranka ee Soomaaliya iyo wefdiga uu hoggaaminayo, sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca Amniga ee labada dal, iyadoo ey goob-joog ka ahaayeen Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdul Waaxid, Taliyaha Guud ee Amniga iyo Taliyaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdul Waaxid. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in sidoo kale kulanka looga hadlay u diyaar garowga Saxiixyada Heshiisyada Wadajirka ah ee dhinacyada Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Md.Calo Xoosh uu muujiyay sida dalkiisu u doonayo Xoojinta Iskaashiga dhanka Amniga ah ee kala dhaxeeya Liibiya. Waxayna intaas ku dartay in wafdiga Soomaaliya ey kormeer shaqo oo ey ka mid tahay Xarunta dhexe ee Laanta Dambi Baarista ey ku soo indha indheynayeen Xarumaha ay ka kooban tahay, iyadoo ey u dheer tahay inay booqdeen Xarunta la dagaalanka Muqaadaraadka iyo Walaxda Dhimirka. Ku-Xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Liibiya, ayaa gaba gabadii kormeerka ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey dadaalka uu ugu jiro taageeridda Iskaashiga Amniga, isagoo ku dheeraaday xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo muhiimadda ey leedahay in la sii wado isku xirka wadajirka ah ee dhanka Amniga.
ISHA-LNA.