SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO KA WADA HADLAY XOOJINTA XIRIIRKOODA.

(SAWIRKA)-QUNSULKA CUSUB EE ITOOBIYA EE PUNTLAND.

(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in wadamadda Soomaaliya iyo Itoobiya ey yeeshay wado wadahadallo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, ka dib markii ay soo afjareen colaaddii u dhaxaysay muddo sanad iyo wax ka badan ka hor, taas oo lagu guuleystay ka dib dhexdhexaadin uu sameeyay Turkiga, taasoo horseeday Heshiiskii Ankara ee la gaaray bishii December 2024. Wada hadalladan ayaa dhexmaray Gedion Timoteos, Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, iyo Cali Maxamed Cumar, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo ku sugan Itoobiya si uu uga qayb galo Shirweynaha Tana, kaasoo looga hadlayo “Amniga Afrika.” “Labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyagoo ku heshiiyay in la sii wado wada shaqeynta joogtada ah. Sidoo kale waxay ka wada xaajooden istiraatiijiyadaha iskaashiga ee ku aaddan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), waxayna mar kale adkeeyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan dagaalka lagula jiro Argagixisada gobolka,” ayaa lagu yiri War-saxafaadeed kooban oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya. Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu todobaad iyo wax yar ka hor booqday Itoobiya, taasoo qeyb ka ahayd dadaallada labada dal ay ku doonayaan in lagu xoojiyo xiriirkooda. Intii lagu jiray sanadkii 2024, Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu xiriirkoodu aad u xumaaday sababa la xiriira is-fahamka dhinaca badda (MoU) oo ay Itoobiya la saxiixatay maamulka Somaliland 1-dii Janaayo 2024. Dhinaca kale,

Dowladda Itoobiya ayaa qunsul cusub u soo magacowday Puntland, kaasoo lagu magacaabo Gen. Tagesse Lambamo Dimbore. Qunsulka cusub ee Itoobiya ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacowday Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore” ayaa lagu yiri qoraalka. Gen. Dimbore ayaa lagu baddelay qunsulkii hore, Yidnekachew Tekle, wuxuuna ku soo aaday, iyadoo bishii Abriil ee sanadkan magaalada Laascaanood lagu dilay sarkaal ka tirsan Qunsuliyadda oo lagu magaaci jiray Faarax Caydiid Jaamac (Bariis).

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

HORJOOGE SARE OO ALSHABAAB AH OO LA KHAARIJYEY.

Next
Next

DENI MIYUU MIDEYN DOONAAN BEESHA DAAROOD?