HORJOOGE SARE OO ALSHABAAB AH OO LA KHAARIJYEY.
(SAWIRKA)-DRONES.
(MUQDISHO)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn qorshaysan oo ka dhacday magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe taariikhdu markeey ahay 26/10/2025-ka lagu dilay Horjooge Sare oo ka tirsanaa Khawaarijta ALshabaab,kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey. Dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa Asaasayaashii Khawaarijta ALshabaab isagoo saaxiib dhow la ahaa Horjoogayaashii isaga kaga dambeeyay Hoggaanka Khawaarijta ALshabaab, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaasoo uu muddo dheer la soo shaqeeyay. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Khawaarijta ALshabaab iyo Madaxa Dabagalka, dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha Sirdoonka, qorsheynta weerarrada, iyo dilalka arxan darrada ah ee Khawaarijta ALshabaab. Dhagarqabahan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee Khawaarijta ALshabaab,isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay Shirkad Itoobiyaan ah oo uu la socday Horjoogihii hore ee kooxda ALshabaab Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay Aasaaskii Ururka Khawaarijta ALshabaab. Howlgalka guuleystay ee lagu khaarijiyay dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka tarjumayaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku aaddan la dagaallanka Khawaarijta ALshabaab,si loo xaqiijiyo Amniga, Xasilloonida, iyo Nabadda Shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya waxay mar kale u xaqiijinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Khawaarijta ALshabaab ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo haraadiga kooxaha Argagixisada ALshabaab, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan Nabad, Xasillooni, iyo horumar waara.
ISHA-SNTV.