GUDOONKA GOLAHA SHACABKA OO MAANTA QAADAY TALAABO KA DHAN AH…
(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA EE BJFS.
(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir Guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad kulankiisa sagaalaad, waxaana guntanka ama kooramka kulanka uu ku furmay 147-Xildhibaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa faray Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi (Nuux) inuu yeeriyo magacyada Xildhibaanadda kulanka maanta sabab la’aanta uga maqnaa. Intaasi ka dib Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Wax ka bedelka Qeybta lixaad ee Sharciga iibka Qaranka 2016 oo ay golaha usoo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana warbixinta Hindise Sharciyeedkan Xildhihaanadda u faahfaahiyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange. Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay golaha usoo gudbisay Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta, waxaana warbixinta Hindise Sharciyeedka mudanayaasha Golaha Shacabka faahfaahin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed. Maadaama labadan Hindise Sharciyeed ay mareen Akhrinta koowaad kama furneyn wax dood ah sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha Shacabka, sidaasi daraadeed Xildhibaano ka tirsan golaha ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda iyo sidoo kale Bartoolka iyo Macdanta weydiiyey su’aalo ku saabsan saameynta miisaaniyadeed ee hindise sharciyeedyadan iyo muhiimadda ay dalka iyo dadka u leeyihiin. Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ka mid ah Xildhibaano kulankii kan ka horreeyey guddoonka golaha u gudbiyey Mooshin ama soo jeedin ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado maalinta xusuusta Qaranka ee dhibanayaasha Argagixisada ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale la wadaagay mudanayaasha golaha warbixinta mooshinka ama soo jeedinta ay soo gudbiyeen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyada ku shaqada leh labada Hindise Sharciyeed ee Wax ka bedelka Qeybta lixaad ee Sharciga iibka Qaranka 2016 iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay soo diyaariyaan akhrintooda labaad dibna golaha ugu soo celiyaan si looga doodo. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dooda la xiriirta mooshinka ama soo jeedinta ku saabsan 14-ka October ee ay qaar ka mid ah Xildhibaanadda soo gudbiyeen furantahay islamarkaana kulanka kan xiga ay bilaaban doonto.
XIGASHO-BJFS,