AFRICOM OO SHEEGTAY INEY DUQEYN KA FULISAY BUURAHA CALMISKAAD.

(SAWIRKA)-DRONES.

(AFRICOM)-Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika (US Africa Command AFRICOM) ayaa shaaciyay laba duqeyn oo ay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari ee Dawalad Goboleedka Puntland,halkaasoo ay ku sugan yihiin dagaalamayaal ka tirsan Daacish. Duqaynta koowaad ayaa dhacday 24-kii Oktoobar, halka tan labaad la fuliyey 26-kii Oktoobar ee isla sannadkan-2025-ka. AFRICOM waxay sheegtay in labaduba lagu qaaday meel qiyaastii 53 mayl (85 km) u jirta magaalada dekedda ah ee Boosaasoo. AFRICOM ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah, maaddaama ay joojisay in ay soo bandhigto tirada dhimashada iyo qiimeynta khasaaraha rayidka tan iyo bishii Abriil. Taliska AFRICOM ayaa sheegay Faahfaahinta ku saabsan unugyada iyo qalabka la isticmaalay aan shaacin doonin si loo ilaaliyo amniga hawlgallada. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha ISIS ee buuraha Cal-Miskaad, iyagoo helaya taageerada AFRICOM. Maraykanku wuxuu si weyn u kordhiyey duqeymaha uu ka fuliyo Puntland, sidoo kalena wuxuu sii wadaa taageerada cirka ee uu siiyo dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho ee dagaalka kula jirta AL-Shabaab. Sida laga soo xigtay tirakoobka Antiwar.com, labada duqeyn ee ugu dambeeyey waxay tirada guud ee duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya sanadkan ka dhigeysaa ilaa 86. Maamulka Trump ayaa jebiyey rikoorkiisii hore ee duqeymaha sanadlaha ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya rikoorkaas uu isagu dhigay sanadkii 2019 ayaa ahaa 63 duqeyn. Marka la barbar dhigo, Madaxweyne Biden wuxuu afartiisii sano ee xafiiska joogay qaaday 51 duqeyn. Dhinaca kale,Saddex askari oo ka mid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay Qarax lagula eegtay degaanka Dhasaan oo ka tirsan degmada Qandala ee Gobolka Bari. Qaraxaan ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ku safrayay waddada kasoo baxda tuulada Dhasaan oo ka mid degaanada Daacish laga xoreeyay lix bilood ka hor. Ciidamada lala eegay qaraxa ayaa ka tirsan guutada Duufaan oo uu taliye u ahaan jiray Gen. Cabdi Cali Qalyare, kasoo bishii September lagu dilay qarax lagula eegay Daraymadoobe oo u dhaxaysa degaanada Gaatir-Oodan iyo Qurac oo ku jeedsadan buuraha Calmiskaad. Lama sheegin wax dhimasho ah oo uu geystay qaraxaan, hase ahaatee, Darawalka gaariga waday ayaa la sheegay inuu qabo dhaawac culus, waxaana loo qaaday magaalada Boosaaso. Weerarkan ayaa ku soo beegmay labo maalin ka dib markii Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni uu sheegay in la wiiqay awooddii kooxda Daacish, isagoo ku dhawaaqay inay ciidamadu soo afjareen Daacishtii buuraha ka dagaalamaysay marka laga reebo tiro yar oo ku jirta togga Baallade ee buuraha Calmiskaad. Weli waxaa muuqata in ay Daacish saamayn ku leeyihiin degaanadii horey looga saaray horaantii sanadkan. Hay’adaha amniga Puntland ayaa aaminsan in qaar ka mid ah dadka degaanka ay wada shaqayn dhow la leeyihiin Daacish, una fududeeyaan qaraxyda ciidamada lala beegsado.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

XIL WAREEJIN KA DHACDAY XARUNTA MADAXTOOYADDA SOOMAALIYA.

Next
Next

GUDOONKA GOLAHA SHACABKA OO MAANTA QAADAY TALAABO KA DHAN AH…