DENI MIYUU MIDEYN DOONAAN BEESHA DAAROOD?

(SAWIRKA)SICIID DENI.

(BOOSAASO/PL)-Sida Deni u qaadi karo waddo Siyaasadeed oo si deg deg ah aan u soo afjarin noloshiisa Siyaasadda waa isaga oo wax ka barta taariikhda kala-jabka Siyaasadeed ee soo maray Beesha Daarood tan iyo 1957kii.

Boosaaso (Faallo) — Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waa hoggaamiye ku soo beegmay xilli u eg xilliyo hore oo beelaha Daaroodka ku abtirsada siyaasad iskaga hor yimaadeen, tan iyo dhowr toddobaatankii sano ugu dambeeyay. Qarannimada iyo danta Soomaaliya ayaa ka faa’iidday iska ka hor imaadyadaas. Dabayaaqadii kontonaadkii qarnigii hore (1954-1959) Xaaji Muuse Boqor, oo ka tirsanaa Golihii Wasiirrada ee dowladdii gobanimogaarsiinta (daakhliyada loo garan og yahay), ayaa ka hor yimid Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud. Xaaji Muuse wuxuu ku guuldarraystay inuu abaabulo odaayaashii daroodka ugu magacweynaa kuna noolaa Muqdisho. Xaaji Diiriye ayaa go’aanka beesha Daarood ku dhawaaqay. “Darood ma noqonayo Talyaani kalkaal (pro-Italian). Ra’iisal Wasaare Daarood ah ma qaban lahayn inta uu Cabdulaahi Ciise Maxamuud qabtay in ka badan” ayuu Xaaji Diiriye yiri. Xaaji Muuse Boqor wuu aqbalay in laga guulaystay. Maxamuud Ciise Truniju wuxuu ku qoray buuggiisa Somalia The Untold History 1941-1969 in Xaaji Muusq Boqor midowgii kaddib uu yeeshay saameyn siyaasadeed oo weyn. Dhammaadkii toddobaatankii ilaa billowgii siddeetamaadkii (1978-1984), ayuu kala-jabkii Daaroodku mar kale dhacay markii jabhaddii SSDF ay saldhigyo ka samaysatay Itoobiya kaddibna fududeysay in Itoobiya qabsatay degmooyin Soomaaliyeed (Galdogob iyo Balanbaalle). Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, oo la kufaakacay saameyntii dagaalkii 1977, ayaa fursad ka helay duullaankii Itoobiya ku soo qaaday Mudug iyo Galguduud. Wuxuu sidoo kale helay taageerada Soomaalida oo dhan; Galbeedku aad ayay u hubeeyeen Xoogga Dalka oo waxay ka hortagayeen wax ay arkayeen in SSDF fulinaysay qorshayaashii Midowga Soofiyeeti ku doonayay inuu ku soo noqdo Badweynta Hindiya, inkastoo SSDF xubnaheedu badankood ay diiddanayeen Shuuciyadda, kana fekerayeen sidii ay uga soo guuri lahaayeen Itoobiya. Markii dambe ciidammadii SSDF badankood waxay ku noqdeen Soomaaliya kaddib markii ay ogaadeen inay markii horeba qalad ahayd in  jabhad doonaysa in xukun rayid lagu soo celiyo Soomaaliya ay saldhigyo ka samaysatay dal shuuciyad ka hirgashay oo ku tiirsanaa dalkii la oran jiray Midowga Soofiyeeti. Billowgii sagaashankii (1991) ee qarnigii hore ayuu Daaroodku laba garab u kala jabay mar seddexaad: garab markii hore aad u awood-badnaa oo asaasay jabhadii SNF (Somali National Front) iyo garab aad awood u yaraa oo ay hoggaaminyeen Maxamed Abshir Muuse iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.  Maxamed Abshir Muuse wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenkii dowladdii uu ururkii USC (United Somali Congress) dhisay. Wuxuu u arkayay dhibaatooyinkii Muqdisho ka dhacayay kuwo ay sababeen sharciga iyo kala-dambaynta oo meesha ka baxay. Wuxuu kale oo aamminsanaa in garwadeenka siyaasadda Soomaalida (Somali political elites) aysan awood ka raadinin isku dirka beelaha Soomaalida maadaama Soomaaliya markaas ay la rafanaysay saameyntii taliskii miltariga iyo kalitaliska ahaa oo 21 sano dalka ka talinayay. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen isaguna sidaad buu aamminsanaa. Waxay isku raaceen in colaadda la joojiyo oo Daaroodkii u qaxay Kismaayo la heshiiyaan dowladdii ku meelgaarka. Waxaa taladaas diiday kooxihii asaasay jabhaddii SNF oo u badnaa rag taliskii kacaanka la shaqaynayay, u badnaa rayid, qaarkood saldhiggoodu noqday Nayroobi oo baararka la taagnaa halheeskii “Sharafta Daarood baannu soo celinaynaa.” Waa isla madaxdii dhulka ay ka soo jeedaan ka hagraday horumarin iyo xitaa  xeryo militari, taageerayay gaboodfalladii taliskii Siyaad Barre ka geystay Mudug iyo Nugaal. SNF way jabtay markii ay diidday talooyinkii Maxamed Abshir Muuse iyo Cabdirisaaq Xaaji  Xuseen. Dib ayaa ururkii SPM (Somali Patriotic Movement) loo abaabulay; SNF wuxuu noqday mid taageersan Siyaad Barre oo waqtigaas ku sugnaa Soomaaliya, waana laga reebay ka qeybgalkii Shirkii dib u heshiisiinta ay Jabuuti 1991kii abaabushay. Dhowr bilood gudahood ayay ku hirgashay siyaasaddii Maxamd Abshir Muuse iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo ku salaysnayd in aan colaad beeleed la sii hurinin. Xitaa  Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa adeegsaday siyaasaddaas markii uu la heshiiyay Jeneraal Caydiid si Gaalkacyo nabad loogu wada noolaado. Puntland waxay ku dhisan tahay mabaadii’da dhowrista xaqa qofka Soomaaliyeed. Maanta Madaxweyne Deni waxaa hor taalla kala doorasho fudud: ma durbaan beeleed oo aan marnaba shaqaynaynin buu dooran doonaa inuu tumo (sida markii Diseembar 2023 uu sheegay in beeshiisa Jabuuti loogu tashanayo markii Muuse Biixi, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kulmeen) mise nabad ku wada noolaanshaha Daaroodka ayuu dooran doonaa. Nin baa 2023 Deni ku eedeeyay inuu jebiyay heshiiskii Hartiga dhexdiisa ahaa in arrimmaha Absame aan faraha lala gelin  dhacdadii Halacdheere kaddib markii Qamaan Bulxan uu maanso hilfaha ugu qaaday Hartiga. Markii Deni 2023 ku tilmaamay Ra’iisul Wasaare Xamse “xoghayn” colaad siyaasadeed buu aloosay. Colaaddaas waxaa la soo afjaray Oktoobar 2023 markii Boqor Burhaan booqanayay Laascaanood. Baaqa ka soo baxay Shirkii Laascaanod waxaa ka mid ahaa: “In maanta uu Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre beesha Daarood ku metelo siyaasadda Soomaaliya, sida Boqor Burhaan uu u yahay hoggaanka keliya uga sarreeya hoggaanka dhaqanka Daarood.” Waa mowqif la mid ah mowqifkii uu ku dhowaad 70 sano ka hor Xaaji Diiriye ku soo gudbiyay magaca beesha Daarood si ay u taageeraan Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud. Sida Deni u qaadi karo waddo siyaasadeed oo si degdeg ah aan u soo afjarin noloshiisa siyaasadda waa isaga oo wax ka barta taariikhda kala-jabka siyaasadeed soo maray beesha Daarood tan iyo 1957kii.

WAA FAALLO KU SO BAXDAY PUNTLANDPOST.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO KA WADA HADLAY XOOJINTA XIRIIRKOODA.

Next
Next

MASAR OO DHAWAAN SOOMAALIYA U SOO DIREYSA11-KUN ASKERI.