SOOMAALIYA IYO AZERBAJAAN OO IS AFGARAD KA GAARAY WAXYAABO BADAN.
(SAWIRKA)-WASIIRADDA sOOMAALIYA IYO AZERBAJAAN.
(BAKU)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Azerbajaan ee Baku ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, uu halkaas wada hadal dhinacyo badan taabanaya maanta oo Jimca ah kula yeeshay magaalada Baku, Raysal Wasaaraha Azerbaijan, Mudane Ali Asadov, kulanka ayaa diiradda lagu saarray kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee Soomaaliya iyo Azerbajaan iyo sii ballaarinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ee mudnaanta leh. Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay Raysal Wasaaraha Azerbaijan soo dhoweynta diirran ee uu u sameeyey isaga oo muujiyay sida uu u tixgelinayo kaalinta Baku ee xoojinta xiriirka, carabkana ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hore-u-dhaqaajinta wax wadaag joogto oo faaiido u leh labada dal. Dhankiisa, Raysal Wasaare Asadov ayaa caddeeyay in ay qiimo weyn ugu fadhido xoojinta xiriirka dalkiisu la leeyahay Soomaaliya, isaga oo carabaabay ku qanacsanaantiisa taageero is-dhaafsiga labada dal ee fagaarayaasha caalamiga ee madallada Ururrada adduunka. Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, Maal-gashiga, Beeraha, Adeegyada Bulshada, Tamarta Cagaaran iyo Mashaariicda Bani’aadannimo. Dhunaca kale,Warbaahinta Azarbajaan ayaa ka hadashay kulanka labada Wasiir Arrimo dibadeed waxa eyna sheegtay in Masuuliyiinta labada dal ey bogaadiyeen wadajirka ka dhexeeyo Hayadaha Caalamiga ah oo ey ku jiraan Qaramada Midoobe,Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dhaqdhaqaaqa aan isbahaysi lahayn(NAM).