QAXOOTI ISKA DHIIBAY GIRIIGA HADANE ISKA DHIIBAY JARMALKA,MAXAA CUSUB?
(SAWIRKA)-MUHAAJIRIIN SOOMAALI AH SOONA GAARAY JASIIRADDA LESBOS EE GIRIIGA.
(GERMANY)-Intii u dhaxaysay bilihii Jannaayo iyo Meey ee sanadkan 2025-ka,ku dhawaad 8,000 oo qof oo horay magangelyo uga helay dalka Giriiga ayaa mar kale magangelyo ka codsaday Jarmalka, sida ey xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jarmalka. Wadar ahaan, in ka badan 26,000 oo codsiyadan ah ayaa la xareeyay intii lagu guda jiray 2024, xogta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jarmalka ayaa muujisay. Xogta ayaa la sii daayay iyada oo laga jawaabayo codsiga macluumaadka oo ey soo saartay Funke Media Group,sidaasne waxaa soo sheegtay Wakaaladda Wararka ee Jarmalka ee dpa Khamiistii (July 24). Kuwa loo aqoonsaday Qaxootinimada waxaa loo ogol yahay iney ku safraan gudaha Midowga Yurub, iyadoo la raacayo qawaaniinta Schengen, ilaa 90 maalmood, laakiin looma ogola iney dib u codsadaan Aqoonsiga Magangalyada waddan labaad oo ka tirsan isla Midawga Yurub. "Shaqsiyaadka magangalyada laga siiyay dalka Giriiga waa iney sheegtaan ilaalintaas," ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda.
URURKA BOOLISKA AYAA KU BAAQAYA IN LA ADKEEYO KONTAROOLADA GAROOMADA DIYAARADAHA:
Qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta codsanaya magangalyada markii labaad ayaa lagu soo waramayaa iney ku yimaadeen diyaarad. Sida laga soo xigtay dpa, Midowga Booliska Jarmalka (GdP) ayaa farta ku fiiqay waxa ey u arkaan daldaloolo ku jira hubinta Garoomada Diyaaradaha ee u dhexeeya wadamada Schengen, waxayna ku baaqeen in la adkeeyo. Andreas Rosskopf, oo ah Madaxa Qaybta Booliska dhexe ee GdP, ayaa ku baaqay in la siiyo awood dheeraad ah Booliiska Federaalka si ey u sameeyaan hubinta oo ey awood u yeeshaan iney soo celiyaan dadka ey aaminsan yihiin iney ku hawlan yihiin socdaalka labaad. Ururka booliiska Jarmalka ayaa ku baaqay in la adkeeyo kontaroolada Garoomada Diyaaradaha, si loo isugu dayo loogana hortago waxa loogu yeero 'hijrada sare'. Bishii Abriil ee sanadkan, Maxkamadda maamulka Federaalka ee Jarmalka ayaa xukuntay in loo tarxiilo Giriigga Muhaajiriinta keligood ah, caafimaad qaba iyo kuwa shaqo heli kara. Qaar ka mid ah ayaa laga soo celiyay Jarmalka ilaa Giriiga, inkastoo maamulka Giriigga, sida dalalka kale, ey sidoo kale ka cawdeen isku dayga Jarmalku uu ku soo celinayo Muhaajiriinta markii hore laga diiwaan geliyay meelo kale oo ka mid ah Midowga Yurub. Go’aanka Maxkamada maamulka Federaalka ayaa waxaa si weyn u dhaleeceeyay kooxaha u dooda Xuquuqda Muhaajiriinta, sida Pro Asyl, oo ku andacoonaya in xaaladaha Giriiga ey weli yihiin kuwo ka baxsan bini’aadantinimada. Meral Zeller, oo ah af hayeenka Pro Asyl, ayaa u sheegay saxaafada markii go'aanka la gaaray in xaaladda Muhaajiriinta iyo magangalyo doonka Giriiga lagu soo koobi karo ereyada, "Sariir la'aan, Rooti la'aan, Saabuun la'aan."
ADKEYNTA SIYAASADAHA SOCDAALKA:
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Giriiggu wuxuu sidoo kale adkeynayay siyaasaddiisa socdaalka iyo siyaasadihiisa magangalyada. Dhowaan, waddanku wuxuu ka codsaday Midowga Yurub ogolaansho lagu joojinayo magangalyada kuwa ka imaanaya Waqooyiga Afrika, ka dib markii in ka badan 10,000 oo muhaajiriin ah oo aan sharciyeysneyn ey soo mareen jidkaas Jasiiradaha Koonfurta ee Gavdos iyo Crete. Muhaajiriin iyo magangalyo doon badan oo ku sugan dalka Giriiga ayaa ka cabanaya iney adag tahay in dalkaasi ey ka helaan shaqo iyo hooy, waxayna ogaadaan iney jirto taageero dhaqaale oo yar. Tobankii sano ee la soo dhaafay gaar ahaan, qaar badan ayaa go'aansaday iney safarkooda ka sii wataan Giriigga, iyaga oo ku sii socda jidka Balkanka, ama xaaladda Qaxootiga la aqoonsan yahay, iyaga oo sii maraya diyaarad ku wajahan Jarmalka, halkaas oo ey rajeynayaan iney helaan fursado dhaqaale iyo taageero wanaagsan.
In ka badan 10,000 oo Muhaajiriin ah ayaa gaaray Jasiiradaha Koonfureed ee Crete iyo Gavdos tan iyo bilowgii sanadkan, soo ifbaxa waddo cusub oo ka timid Waqooyiga Afrika ayaa keentay in dowladda Giriiga iney dalbato in la joojiyo codsiyada magangalyada. Xiriirka qoyska iyo bulshada ayaa sidoo kale mararka qaarkood door ku leh go'aamada dadka si ey u galaan socdaalka labaad ee socdaalka. Jarmalka waxaa ku nool bulshooyin badan oo ka soo jeeda Afgaanistaan iyo Bariga Dhexe, waxaana laga yaabaa in muhaajiriin badan ey u guuraan halkaas si ey taageero iyo xiriir ula sameeyaan shabakadahan.
KU NOQOSHADA LESBOS:
Mid ka mid ah dadka taas sameeyay, laakiin haddana ku soo laabtay Giriigga, waa haweeney Iraaniyad ah oo lagu magacaabo Amina Namjoyan. Waxay timid Jasiiradda Lesbos ee Giriigga toban sano ka hor ka dib markii ey Iran kala soo carartay ninkeeda. Namjoyan ayaa u sheegtay Wakaalada Wararka ee AP in bilo ey ku jirtay xero ey buux dhaafiyeen oo ku taal Lesbos, iyadoo baratay luuqada Giriiga, balse sidoo kale ey la dhibtoonaysay xanuuno iyo niyad jab markii guurkeeda uu burburay. Lesbos ka dib, Namjoyan waxa ey ka mid ahayd in ka badan hal milyan oo muhaajiriin ah oo yimid Jarmalka intii u dhaxaysay 2015 iyo 2016, iyaga oo rajaynaya in ey raadsadaan meel wanaagsan oo ey ka bilaabaan nolol cusub. Laakiin way ku dhibtootay iney degto, waxayna ugu dambeyntii ku laabatay Giriiga. "Giriiga wuxuu ku dhow yahay dhaqankayga, waxaana ku dareemayaa wanaag halkan," Namjoyan ayaa u sheegay AP . Maanta waxay ka shaqeysaa Makhaayad ku taal Jasiiradda Giriigga, iyada oo samaynaysa cunto Iran ah. "Waan ku faanayaa naftayda," ayey tiri Namjoyan si farxad leh.
JARMALKU WUU KU GUUL DARAYSTAY INUU SOO CELIYO KIISAS BADAN OO 'DUBLIN' AH:
Dawladda Jarmalku waxa ey sidoo kale ka shaqaynaysay sidii ey u sii adkayn lahayd Siyaasaddeeda Socdaalka tan iyo markii ey talada la wareegtay bishii Meey ee sanadkan. Tan waxaa ka mid ah isku dayga lagu soo celinayo soo galooti badan iyo magangalyo doon kuwaasoo aan xaq u lahayn iney sii joogaan Jarmalka. Sannadkii hore ee 2024-kii, Jarmalku waxa uu diiwaan geliyey 74,583 codsiyo ku celin ah oo kana kala yimid dalalka kale ee xubnaha ka ah, ayay tiri European Asylum Database (AIDA). Si kastaba ha ahaatee, kuwaas qaar ka mid ah, gaarayana 5,827 ayey dhab ahaantii dhacday in la wareejiyo. Isla mar ahaantaana, Jarmalku waxa uu helay 14,984 codsiyo soo gelaya, kuwaasoo 10,112 xaaladood la aqbalay iyo 4,592 qof oo loo gudbiyay Jarmalka. Haddii tirada kuwa la wareejiyay laga jaray tirada kuwa Jarmal helay, waddanku weli fuliyay wareejinta dalal kale ka badan inta uu helay, laakiin heerka guud ahaan weli wuu hooseeyaa dhinac kasta. Marka la barbardhigo, qoraalada AIDA ee 2023-kii, Jarmalku wuxuu sidoo kale soo diray 74,622 codsiyo bixid ah, kuwaas oo 55,728 ka mid ah la aqbalay. Kaliya 5,053 ka mid ah wareejintooda ayaa dhab ahaantii la fuliyay. Sannadkaas, Jarmalku waxa uu helay 15,568 codsiyo soo gelaya oo aqbalay 9,954, kuwaas oo 4,275 ka mid ah ey keentay in la wareejiyo. Marka la eego wareejintii Jarmalka ee Giriiga ee la fuliyay 2024, Dowladda Federaalka ayaa soo saartay macluumaadka bishii Maarso ee sanadkan. Sida laga soo xigtay tirooyinka, 22 qof ayaa laga soo wareejiyay Jarmalka oo loo wareejiyay Giriiga, iyo saddex kaliya oo loo wareejiyay Talyaaniga. Tiradii ugu badneed ee lagu guuleystay wareejinta sanadkaas waxay ahayd Jarmalka oo loo wareejiyay Faransiiska, waxaana ku xigay Croatia ka dibna Bulgaria.
ISHA-IM.