MW-XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY XOGHAYAHA GUUD EE G/BAADIR.

(SAWIRKA)-FARTUUN WAA XOGHAYAHA CUSUB EE G/BANADI.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho dib loogu magacaabay Dr.Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab), waxa uu sameeyey isbedello fara badan oo dhinaca maamulka Gobolka ah kuwaaso ah intii uu isaga awooday kaliyah,hadaba xog sugan laguna kalsoonaan karo ayaa xaqiijisay in xil ka qaadis lagu sameeyey Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir Faysal Caraale Afrax. Amarka Xil ka qaadista Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir, Faysal Caraale Afrax ayaa ka yimid dhanka Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Villa Somalia. Faysal Caraale Afrax, ayaa xilka Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir loo magacaabay 20 Nofembar ee sanadkii 2022, ka dib markii xilka laga qaaday Xog-hayihii hore ee Gobalka Banaadir Xiireey Axmed Rooble oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Raysal Wasaarihii hore ee Maxamed Xuseen Rooble. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir la raba inuu u magacaabo qof ka soo jeedo DG H/shabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan waane Fartuun Bile Maxamud Jimcaale. In Fartuun noqoto Xoghayaha Guud ee G/Banaadir ayaa waxaa gadaal ka riixaayo Xuseen Sheekh Maxamud oo la dhashay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Marwa Maryan Xaaji Cilmi Waasuge,taaso horay u soo noqotay Gudoomiyihii ugu horeeyey ee Haweenka Qaranka waqtigii Dawladdaii Kacaanka dalka ka jirtay sannadkii 1975-tii. Dhinaca kale,Fartuun ayaa horay waxa ey ugu tartantay iney ku fariisato kursiga Tirsigiisu yahay HOP#004 kaaso hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan C/naasir Xaaji Shirwac,kursigaan ayey degaan doorashadiisu tahay magaaladda B/weyne ee G/Hiiraan ee DG H/shabeelle.

ISHA-SB-MEDIA.


Next
Next

QAXOOTI ISKA DHIIBAY GIRIIGA HADANE ISKA DHIIBAY JARMALKA,MAXAA CUSUB?