DAWLADAHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO KA WADA HADALAY AMNIGA GOBOLKA.
(SAWIRKA)-MADAXDA SOMALIA IYO JABUTI.
(DJIBOUTI)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah, iyada oo ey labada Madaxweyne ka wada hadleen muhiimadda iskaashi buuxa oo ey Jabuuti la yeelato Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Amniga, la dagaallanka Argagixisada, iyo garab istaagga geeddi-socodka Xasilinta iyo Dhismaha Hay’adaha Dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha saameeyay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan Gobolka Awdal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Jabuuti iney kaalin wax ku ool ah ka qaadato gurmadka iyo taageerada loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed oo ey abaaruhu saameeyeen ee ku nool Gobolka Awdal. Intii uu socday kulanka, labada Madaxweyne waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow iyo wada-tashi joogto ah oo ku saleysan danaha wadajirka ah. Ugu dambeyntii, labada Madaxweyne waxay hoosta ka wada xariiqay in Xasilloonida, Midnimada, iyo Horumarka Soomaaliya ey saldhig u tahay Nabadda iyo Xasilloonida Guud ee Gobolka Geeska Afrika.
ISHA-SNTV.