HORJOOGE SARE OO ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY DURDURO.

(SAWIRKA)-CIIDANKA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Ciidanka Kumaandooska Danab ee CXD ayaa howlgal gaar ah oo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Durduro ee degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay DG KGS,halkaasoo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, laguna magacaabi jiray Axmed Maxamed magaciisa afgarashadana uu yahay (Mascuud). Horjoogahan ayaa u kooxda qaabilsanaa samaynta iyo aasidda miinooyinka lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed. Ilaaladiisii ayaa sidoo kale lagu khaarijiyay howlgalkaas. Ciidanka Danab ayaa sidoo kale howlgal kale oo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo lagu burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen. Baaritaanno amni ayaa si joogto ah uga socda deegaanka si loo xaqiijiyo xasilloonida tuulooyinka ku teedsan. Dhanka kale, Subaxnimadii hore ee maanta, maleeeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar qaraxyo wata ku qaaday ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa NISA iyo ciidamada deegaanka ee Macaawisleyda ayaa Kooxaha Khawaarijta ee weerarkaas gardarrada ah soo qaaday dagaal culus oo saacado qaatay la galay, ayadoo Intii uu socday dagaalkaas, jab xooggan la gaarsiiyey maleeshiyaadkii Argagixisada ahaa ee kusoo duulay magaalada, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka oo haatan ku sugan duleedka Maxaas, ayaa wada abaabul ballaaran oo dib loogu xaqiijinayo nabadgelyada degmada iyo deegaannada ku hareeraysan. Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku waxay sii wadi doonaan dagaalka ey kaga soo horjeedaan Kooxaha Khawaarijta Argagixisada, waxayna dhiigga u bixinayaan difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

SUUDAAN OO YEELATAY LABA DAWLADOOD OO IS BARBAR SOCDA.

Next
Next

DAWLADAHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO KA WADA HADALAY AMNIGA GOBOLKA.