DAGAAL MAR KALE MAANTA KA DHACAY DEGMADA B/XAAWO.
(SAWIRKA)-DEGB/XAAWO EE G/GEDO.
(B/XAAWO)-Wararka ka imaanaayo magaaladda Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaayo in maanta uu mar kale uu dagaal ka dhacay,Wsaaradda Amniga Gudaha ee dawladda Fedrraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Eedeysane Axmed Madoobe wuxuu markale colaad ka huriyay Gobalka Gedo isaga oo Maleeshiyaad ka amarqaata faray iney weeraraan xarumo Ciidanka Qaranka iyo goobo shacbi ah Magaalada Balad-Xaawa ee Gobalka Gedo Maanta oo Jimce ah. Weerarkaan oo sababay iney Naftooda si micno darro ah kuwaayaan muwadiniin Soomaaliyeed aan waxba galabsan,waa mid uu ku doonayo Eedaysanuhu inuu ku balaariyo danbiyada uu faraha kula jiro kuna sii kala dilo Dadka reer Jubaland guud ahaan gaar ahaan Shacabka Gobalka Gedo oo uu muddo dheer ku hayay falal Xadgudub ah. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an in lala xisaabtamo danbiilayaasha uu ugu horeeyo Eedaysane Madoobe iyo inta kala qayb-qaadata fal-danbiyeedkiisa. Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Jubaland gaar ahaan reer Gedo iney meel uga soo wada jeestan kana digtoonaadaan falalka Eedaysanaha oo isku dayaya inuu balaariyo Danbiyada uu faraha kula jiro. Wasaaradda Amniga iyada oo kaashanaysa Hay'adaha Sharciga waxeey la socotaa cid kasta oo ku lug yeelata danbiyada oo ku galayo magaca Shacaba Jubaland Eedaysanuhu iyada oo la diwaangaliyay shaqsiyaad kale oo qayb ka ah daadinta Dhiigga Muwaadininta iyo ku Xadgudubka xuquugdooda. Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajabaadkeeda Dasturiga ah, waxaa ka go'an in laga hortago Xadgudubyada nuucaan ah isla markaana aan fursad loosiin danbilayaashu iney sii wadaan danbiyadooda sababay in shacab ku dhintaan kuwa kalane ey ka barakacaan guryahooda. Khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacat Degmada B/Xaawo ayaa ah mid aan weli wax war ah laga heyn,waxaane jirta in dadkii shacabka ahaa ee degenaay degmada B/Xaawo iney isaga bexeen gebi ahaan gudaha degmada oo hadda ey ku sugan yihiin Tuulooyinka hoostaga degmada B/Xaawo. LA SOCO WIXI SO KORDHA.
HALKAN KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA.
ISHA-SNTV.