ALSHABAAB OO CASHAR LOOGU DHIGAY DEGAANADDA SABIIB IYO CAANOOLE.

(SAWIRKA)CIIDANKA XDS.

(MUQDISHO)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abaaro 6:20 subaxnimo si geesinimo leh uga hortegay weerar ay Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Canoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si deg deg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka Argagixisada ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda Khawaarijta,a iyadoo ay socdaan weli howlgallo lagu baacsanayo haraadigii maleeshiyaadkaas. Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku shahiiday dagaalka, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen todoba kale. Dhaawacyadaas waxaa si deg deg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa geesinimada iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed Fagaaraha dagaalka, kuwaas oo difaacay shacabka, kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii cadawga. Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa kaalinta ay maanta ku lahaayeen saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cirka duqaymo Dhaawac xooggan u gaystay khawaarijta sameeyay. Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka Argagixisada, Sugidda Amniga dalka oo dhan, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh.

HALKAAN KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

DAGAAL MAR KALE MAANTA KA DHACAY DEGMADA B/XAAWO.

Next
Next

HAYADDA SIRDOONKA PUNTLAND EE PISA OO U YEERTAY WARIYE CAAN KA AH PUNTLAND,SABABTA?