SIRDOONKA DENMARK OO QABTAY MAWAADIN U BASAASAYEY IRAN.
(SAWIRKA)-XARUNTA SIRDOONKA DENMARK EE PET.
(COPENHAGEN)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Denmark ee Copenhagen ayaa sheegaayo in Muwaadin u dhashay dalka Denmark lagu xiray dalka Denmark, ka dib markii lagu eedeeyay inuu u basaasayay dalka Iran, isagoo xog uruurin ka sameeyay goobaha Yuhuuda iyo shaqsiyaadka ku sugan magaalada Berlin, waxaana loo gacan galin doonaa Jarmalka, sida ey sheegeen mas’uuliyiinta Jarmalka iyo Denmark Talaadadada maanta ah.
Dacwad oogayaasha Jarmalka ayaa sheegay in ninkan oo ey ku magacaabeen Ali S oo kaliya marka loo eego sharciga sirta ah ee Jarmalka, waxa uu soo basay saddex guri bishii June si uu ugu diyaar garoobo hawlo sirdoon oo dheeri ah, oo ey ku jiraan weeraro suurtagal ah oo lala beegsanayo bartilmaameedyada Yuhuuda. Waxaa looga shakisan yahay inuu amaro ka helay sirdoonka Iran horaantii 2025, dacwad oogayaasha ayaa sheegay. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa sheegtay in safiirka Iran loo yeeray Talaadadada maanta ah. "Haddii tuhunkan la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa dhacdo aad looga xumaado oo mar kale muujin doonta in Iran ey khatar ku tahay Yuhuudda adduunka oo dhan," ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Johann Wadephul, oo hadlayay ka dib markii uu booqday sunagoga Yuhuudda ee Koonfurta magaalada Odesa oo booqasho ku jooga Ukraine. Safaaradda Iran ee Berlin ayaa diiday eedeymahaas oo ey ku tilmaantay "Eedeymo aan sal iyo raad lahayn oo khatar ah" oo ey ku sheegtay iney u muuqatay mid loogu talagalay in lagu jeediyo weerarrada Israa'iil ku hayso Iran. "Wadahadalkii hore ee lala yeeshay mas'uuliyiinta Jarmalka oo ey khuseyso ayaa mar hore iftiimiyay in dhinacyo saddexaad ey isku dayayaan iney ka weeciyaan fikradaha dadweynaha ee dhacdooyinka dhabta ah iyada oo loo marayo habayn macmal ah," ayaa lagu yiri bayaan. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Tehran kama aysan jawaabin baaq faallo ah. Sida laga soo xigtay majaladda Der Spiegel, tuhmanuhu waxa uu sawirro ka qaaday dhismayaal ey ku jiraan Xarunta dhexe ee Jamciyadda Jarmalka iyo Israa’iil iyo dhismo la sheegay inuu marmar ku sugnaa Madaxweynaha Golaha Dhexe ee Yuhuudda ee Jarmalka, Josef Schuster. Ka dib markii laga soo wareejiyay dalka deriska la ah Denmark, tuhmanaha waxaa la horgeyn doonaa garsooraha baarista ee Maxkamadda Federaalka ee Jarmalka, sida ey sheegeen dacwad oogayaasha. Eedeysanaha ayaa xabsiga lagu sii haayo illaa 23-ka July, iyadoo la sugayo in loo gacan geliyo Jarmalka, sida ey bayaan ku sheegtay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee PET ee dalka Denmark. Intii lagu guda jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhaxeeyay Iran iyo Isra’iil bishii hore, hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz ayaa sheegay in Jarmalku uu u diyaar garoobay in Iran ey beegsato bartilmaameedyada Isra’iil ama Yuhuuda ee dalkiisa, isagoo aan si faahfaahsan u bixin. Jaalliyadda Jarmalka iyo Israa’iil ayaa ugu baaqday Midowga Yurub iney kooxda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ku darto liiska Argagixisada. "Gacanka fidsan ee Argagixisada Iran waa in eysan boos ka helin Jarmalka," ayaa lagu yiri bayaan. Schuster waxa uu ugu yeeray "signal alaarmiga cad" qoraal iimaylka ah. "Dawladda Jarmalku waa in aanay digtoonaan oo keliya ee waa iney sidoo kale qaaddaa tallaabo siyaasadeed oo firfircoon oo ka dhan ah taliska Iran ma jirto cawaaqib kale oo ka iman karta weerarkan la sheegay in la qorsheeyay," ayuu yiri. Wasaarada cadaalada ee Denmark iyo Wasaarada arimaha dibada ayaa labaduba u gudbiyay su'aalo laanta sirdoonka Denmark.
ISHA-AA.