TAHRIIBKA LAGU GALO UK OO KORDHAY 50% SANNADKAN.
(SAWIRKA)-DOOMAHA LOOGU TAHRIIBO UK.
(LONDON)-Ku dhawaad 20,000 oo magangalyo doon ah ayaa doonyo yar yar ku tagay dalka Boqortooyada Ingiriiska sanadkan 2025, waana tiro sare lixdii bilood ee ugu horeysay sanadka, taasoo cadaadis ku sii kordhisay Raysal Wasaare Keir Starmer iyadoo dowladdu ey ka shaqeyneyso sidii loo dhimi lahaa tirada. Xogta laga helay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska ayaa muujisay in (879) Muhaajiriin ah ey yimaadeen Isniintii, taasoo tirada guud ka dhigeysa qeybtii hore ee 2025 (19,982), 50% ayey kor u kacday marka loo fiiriyo sanadkii hore ee 2024-kii. RW-Starmer ayaa cadaadis lagu saarayaa inuu la tacaalo kumanaanka qof ee sanadkasta uga gudba Channel-ka iyaga oo wata doomaha khatarta ah ee la buufiyo, taasoo ah arin muhiim u ah codbixiyayaasha isaga oo balan qaaday inuu "Jabin doono kooxaha" ka dambeeya ka Ganacsiga dadka ee soo tahriibiya. Dawladdu waxay sheegtay in, in ka badan (24,000) oo qof oo aan xaq u lahayn iney ku noolaadaan UK la soo celiyay tan iyo markii uu Xafiiska la wareegtay bishii July ee la soo dhaafay, iyo in cimilo wanaagsan iyo farsamooyin cusub oo dad badan lagu xiro doonyaha ey ka caawinayaan tahriibayaal badan iney ka soo gudbaan. Sannadkii 2024-kii, (73) qof ayaa ku dhintay iyagoo isku dayaya iney ka gudbaan kanaalka iyagoo raacaya doomo yaryar. Dowladda ayaa sidoo kale ballan qaaday iney joojineyso qarashka badan ee hoteellada lagu hoydo ee laga bixiyo dadka magangalyo doonka ah. Laakin ku guul dareysiga Labour-ku inuu gacanta ku dhigo doonyaha yar yar ee imaanaya, ayaa gacan ka geysatay kor u qaadista garabka midig ee Nigel Farage , Xisbiga dib u habaynta socdaalka UK, kaasoo kaalinta koowaad ka galay ra'yi ururin heer qaran ah. "(Tirada doonyaha yar yar waa) rikoor waxayna kordhin doonaan kaliya haddii aan sii wadno inaan siino wax walba marka ey yimaadaan," Farage ayaa ku qoray barta X. RW-Starmer waxa uu dajiyay soo jeedin bishii Meey si uu hoos ugu dhigo soogalootiga guud, isaga oo ka digay in Ingiriiska ey halis ugu jirto iney noqoto "Jasiirad shisheeyayaal", hadallada lagu dhaleeceeyay iney yihiin kuwo aad u kala qaybsan oo uu tan iyo markaas muujiyay inuu ka qoomameynayo. Horaantii sanadkan, dawladdu waxay sidoo kale taageertay mamnuucidda magangelyo-doonka iney awoodaan iney sheegan karaan ilaalin hoos yimaada addoonsiga casriga ah iyo sharciyada kale ee xuquuqda aadanaha , tallaabadaas oo ey dhaleeceeyeen kooxaha Xuquuqda Aadanaha.
ISHA-FRANCE24.