CIIDAMADDA XDS OO JAB XOOGAN GAARSIIYEY ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-HUBKII ALSHABAAB LOOGA FURTAY J/HOOSE.
(DAARUL-NICAM)-Wararka ka imaanaayo Gobolka Shabeeladda dhexe ee Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaayo in Ciidamada deegaanka ee Daaru-nimco ey saaka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Khawaarijta, kaasoo lagu dilay horjooge sare iyo maleeshiyaad la socday. Howlgalkaan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa si gaar ah loogu beegsaday Horjooge Xamse Faracadde, oo ka mid ahaa Horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsanaa Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ee Dawlad Goboleedka Hirshabeelle. Xamse Faracadde waxaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu door weyn ku lahaa abaabulka Qaraxyada iyo dhagarta kale ee lagu beegsaday shacabka ku dhaqan gobolladaasi. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in howlgalka uu ku soo dhammaaday guul buuxda, iyadoo lagu dilay Horjoogaha iyo tiro maleeshiyaad ah oo la socday. Gobolka Hiiraan,Saaka waaberigii ayey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya geesiyaasha deegaanka waxay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Abooreey oo hoos taga degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan. Ciidamada ayaa cagta mariyay fariisimo ey Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka, waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay khasaare culus, iyadoo laga furtay hub iyo saanad ciidan oo ey ka carareen. Ciidamadu ayaa ku raadjoogo xubno firxaday oo isku dayay iney ka baxsadaan Ciidanka XDS iyo ciidamadda deegaanka kuwaaso si wadajir ah uga hortagaya khatar kasta oo cadowgu keeni karo. Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, loogana xoreynayo dhammaan deegaanada ey lu dhibaateeyaan shacabka. Shabeeladda Hoose,Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe si qorsheysan u fuliyay howlgal ka dhacay Tuulada Yuumbis, oo 7km Waqooyi-Galbeed kaga beegan deegaanka Barriire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Howlgalkaas ayaa lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa xarumo ey ku diyaarinayeen falal amni darro. Waxaa sidoo kale howlgalka lagu khaarijiyay horjooge sare oo lagu magacaabo Cabdi Jabbaar, laguna naaneyso "Bilaal", kaasoo ahaa horjooge dhanka Qaraxyada ee kooxda Khawaarijta isagoona horjooge kasoo noqday Gobollada Jubboyinka iyo Gedo. Horjoogahan ayaa ahaa shakhsi muhiim u ah khawaarijta, waxaana dhimashadiisa loo arkaa dhirbaaxo culus oo gaaray shabakadda Qaraxyada ee cadowga. J/Hoose,Muddo seddex maalmood ah, Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo Ciidamada Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Maqooqaha iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Howlgalladaas ayaa lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo Khawaarij ah, oo ey ku jireen horjoogayaal muhiim ah. Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan, waxaana la burburiyay gododkii ey Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen. Ciidanka Xoogga Dalka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka ayaa degaanada Jubbooyinka kawada gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.
ISHA-SNA.