MW-Dr.XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY DALJIRKA DAAHSOON.
(SAWIRKA)-UBAX DHIGA DALJIRKA DAAHSOON.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, xuska 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ey Soomaaliya Xoriyadda iyo Midnimada heshay awgeed. Munaasabadda calan-saarka ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ey adduunka ka joogto. waxa uuna muujinayaa halgankii geesinimada lahaa oo ey shacabka Soomaaliyeed u soo galeen Xornimada iyo Midnimada dalka,gaar ahaan israacii labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ey kala gumeysan jireen Ingiriiska iyo Talyaaniga. Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65 sano guuradii ka soo wareegtay maalinka Xoriyadda iyo Midnimada Qaranka awgeed waxa uu Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho. Ubax-dhigga Taalada Daljirka waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto-Asad Cabdullaahi Cismaan(Diyaan) oo salaan uga qaadayey cutubyo ka tirsan Booliska soomaaliyeed.
ISHA-SNTV.