DR.C/WELI GAAS OO LOO DHIIBAY XIL CUSUB,XAGEE?

(SAWIRKA)-C/WELI GAAS.

(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaayo in Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo loo Magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u Qaabilsan Koonfurta Suudaan. Ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u magacaabay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Madaxweynihii hore ee Dawlad Goboleedka Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, inuu noqdo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika(AU) u qaabilsan dalka Koonfurta Suudaan. Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay Warqad rasmi ah oo uu saxiixay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamud Cali Yuusuf, taasoo lagu xusay in Dr. Cabdiweli Gaas lagu doortay xilkan muhiimka ah iyadoo lagu saleynayo Khibraddiisa Siyaasadeed, Hoggaamineed iyo Kartidiisa Diblumaasiyadeed ee heer Qaran iyo heer Caalami ah.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa qoraalkiisa ku yiri:
“Aniga oo ku hadlaya magaca Guddiga Midowga Afrika iyo magacaygaba, waxaan kuu rajeynayaa guul iyo horumar howlaha cusub ee lagu aaminay, anigoo kuu muujinaya taageeradayda buuxda.”

Dr. Cabdiweli Gaas waxa uu horey u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inti u dhexeysay (2011–2012), ka dibna waxa uu hoggaamiyay Dowlad-goboleedka Puntland muddo shan sano ah inti u dhexeysay (2014–2019), isagoo intaasi lagu xusuusto dadaallo wax-ku-ool ah oo dhanka diblumaasiyadda, xasilloonida siyaasadeed, iyo horumarinta maamulka gudaha ah. Magacaabistiisa ayaa ku soo beegantay xilli Koonfurta Suudaan ey wajaheyso xaalado siyaasadeed oo adag, iyadoo weli ey socoto baahida loo qabo dhexdhexaadin dhab ah, xal waara, iyo dhisidda Hay’ado dowladeed oo mideysan. Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika waxa uu door weyn ku leeyahay fududeynta wada-hadallada siyaasadeed, dabagalka iyo korjoogteynta fulinta heshiisyada nabadeed, iyo dhiirrigelinta hab maamul iyo hufnaan ku saleysan heshiis qaran. Waxaa la filayaa in Dr. Cabdiweli uu dhowaan si rasmi ah uga howl billaabo gudaha dalka Koonfurta Suudaan, isagoo Midowga Afrika uga matalaya dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

XOGASHO-DALSAN.

Next
Next

QAXOOTIGA SUUDAAN OO SHEEKEEYEY DHIBKA ADDIS KU HEYSTA.