QAXOOTIGA SUUDAAN OO SHEEKEEYEY DHIBKA ADDIS KU HEYSTA.

(SAWIRKA)-GACANTA QAXOOTI SUUDAAN AH OO LAGU GUBAY BELARUSS.

(ADDIS ABABA)-Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Suudaan wax yar ka hor laba sano, malaayiin qof ayaa ka qaxay dalka Sudaan oo u qaxay dalalka deriska ah oo ey ku jirto Itoobiya. Cismaan, Amjad, iyo Wejdaan waxay degeen caasimadda Addis Ababa. Inta u dhaxaysa caqabadaha maamulka iyo guud ahaan dhaqaale la'aanta, waxay sheegeen iney hadda "joogaan dhammaadkii dhimashada."

Cismaa waxa uu tilmaamayaa albaab cawlan oo furan oo ku yaal cirifka waddo boor leh. Xagga sare, taarpaulin-ka qallalan ayaa waxaa ku qoran "Masjidka Tirusina," "Masaajidka Tirusina." "Halkan waa meesha aan seexdo subax kasta, waxaan imaadaa 5 subaxnimo, wax yar ka hor duhurkii, waxaan ku soo noqdaa wadada." Ninkan oo 22 jirka ah waxa uu u dhashay dalka Suudaan waxa uuna lix bilood ka hor yimid caasimada Addis Ababa. “Runtii maan dooran Itoobiya, si deg deg ah ayaan uga soo baxay dalkayga Sudaan, sababtoo ah ciidanka Suudaan ayaa i raadsanayay, dhowr jeer ayey guriga waalidkey iigu yimaaddeen askar, si ey ii kaxeeyaan, laakiin mar kasta ma joogin, laakiin aabbahay wuxuu igu yiri, “Adiga iyo annaga aad bay khatar noogu tahay ee dalka ka tag oo ha soo noqon. Maalmo ka dib, waxaan ku sugnaa xerada Qaxootiga Asosa ee Itoobiya." Sida Cismaan, labadii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Suudaan ee u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo kuwa Rapid Support Forces (RSF), in ka badan 4 milyan oo qof ayaa ka tagay dalka, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay. Tani waxay ka dhigan tahay "dhibaatada barakaca ee ugu daran aduunka," Eujin Byun, oo ah afhayeenka Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), ayaa yiri June 3. Sida laga soo xigtay ururka, in ka badan 163,000 oo qof, oo ey ku jiraan 73,000 Suudaani ah, ayaa u Qaxay Itoobiya. Dadka doonaya iney codsadaan magangelyo "waa iney iska diiwaan geliyaan meelaha loo qoondeeyay diiwaangelinta" oo ey maamusho UNHCR iyo Adeegga Qaxootiga iyo Soo Noqoshada ee dawladda Itoobiya (RRS), Tarik Argaz, oo ah sarkaalka isgaarsiinta UNHCR ee Itoobiya, ayaa sharaxay. Kuwani waxay ku yaalliin xadka, Metemma ee Gobolka Axmaarada, ama Kurmuk ee degmada Benishangul Gumuz, Galbeedka Itoobiya. Inta ey sugayaan iney helaan sharci Qaxooti, ​​Muhaajiriintu waxa ey ku sugaan kaamamka agagaarka Ura iyo Aftit, halkaasoo ey ka heli karaan Hoy, Cunto, iyo Daryeel Caafimaad. Muhaajiriinta Suudaan waa iney iska diiwaan geliyaan isgoysyada Kurmuk iyo Metemma ee xadka Itoobiya. Laakiin qof kastaa ma rabo inuu ku noolaado xerooyinka loo qoondeeyay. Gobolka Axmaarada, iska horimaadka u dhexeeya kooxda Fano (maleeshiyada gobolka) iyo Ciidamada Federaalka ayaa saameyn ku yeeshay Qaxootiga iyo Megangalyo-doonka, kuwaasoo isku arkay iney xudun u yihiin rabshado cusub. Sida laga soo xigtay Hayadda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee “Human Rights Watch”, 2024, xerooyinka waxaa weeraray "Burcad iyo maleeshiyaad." Kuwaasoo ku lug leh "Dilka, Garaaca, Dhaca, Afduubka Madax-furasho, iyo Shaqo Qasab ah." Qaxooti badan ayaa sidaas darteed door bida iney ka tagaan meelahan si ey u aadaan meelaha nabdoon ee magaalooyinka.

'WAXAAN KU DHAMMAADAY GURI LA’AAN'.

Cismaan, oo ah Qaxooti diiwaan gashan, ayaa ka soo tagay kaamkiisa u dhow Asosa shan bilood ka dib sababtoo ah "Waxa uu sii adkaysan kari waayay sugidda ama maalmihii uu gudaha teendhada uu ku jiray oo aad u kulul." Amjad, saaxiibkiis, ayaa isna go’aansaday inuu aado Addis Ababa. Asal ahaan waxa uu ka yimid Khartuum, halkaasoo uu ugu shaqeeyay sidii naqshadeeye, 25-jirkan caatada ah "wuxuu isku dayey" inuu iska diiwaan geliyo xerada Ura. "Waxaa la ii sheegay in aan sugo, balse maalmo ayey qaadatay, markaas ayaan go'aankeyga bedelay oo caasimadda ku imid fiisaha dalxiiska, waxaan u maleynayay in aan ka shaqeyn karo, lacagna ka heli karo, warqadahana aan ku qabsan karo halkan. Laakin waxaan ku dhameystay waddooyinka." "Hadda, lagama yaabo in Addis Ababa laga diiwaan geliyo Qaxootiga Suudaan," Tarik Argaz, oo ah shaqaale ka tirsan UNHCR, ayaa u sheegay Warbaahinta InfoMigrants . Xaaladani waa mid sharci darro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah. Kama hor istaagi karno dadka iney soo gudbiyaan codsiyadooda magangalyada, ayuu carabka ku adkeeyay Qareen Itoobiyaan ah oo ku takhasusay Arrimaha Socdaalka, kaasoo doonaya in aan magaciisa la sheegin. Isagoo ka maqan lacag uu ku cusboonaysiiyo fiisihiisa dalxiiska, Amjad waxa uu isu arkay mid aan sharci lahayn. "Waxaan ku laaban karaa Asosa si aan u dhamaystiro hawsha xerada, laakiin ma haysto lacag safarkan. Xalka kaliya ee halkan ku yaal ayaa ah inaan helo fiisaha cusub. Laakiin xitaa markaa, ma awoodo dhaqaale ahaan," ayuu yiri, isagoo gacantiisa kor u qaadaya lafta soo baxday ee gacantiisa. "Suudaan, waxaa ii haray walaalkey iga weyn, oo ah xubinta kaliya ee ka badbaaday qoyskayga, wax lacag ahna iima soo diri karo, waxaan ku jiraa xarig." Amjad iyo Cismaan waxay mararka qaarkood gabaad ka helaan Maqaaxidan ku taal xaafadda Haya Huwlet ee Addis Ababa. Ilaa deyrtii hore, Muhaajiriinta Suudaan waxay ey ku noolaayeen meelo ka baxsan Xeryaha iyagoon haysan fiisaha, taas oo ey ugu wacan tahay go'aanka dowladda ee dhaqangalka ah, ee la qaatay bilowgii dagaalka Suudaan. Laakin ilaa Oktoobar 2024, ka dhaafidani waa la hakiyay. Shakhsiyaadka aan loo aqoonsanin iney yihiin Qaxooti kuwaasi oo raba iney ku noolaadaan meel ka baxsan xerooyinka waa iney hadda bixiyaan $100 fiiso ah, taasoo ey tahay in loo cusboonaysiiyo bishii. Sidoo kale $10 ganaax ah ayaa maalin kasta laga jarayaa kuwa sharcigoodu dhacay. Xaaladan ayaa ah mid aan u suurtoobin inta badan tahriibayaasha, waana mid Wejdaan gelisay dhibaato dhaqaale iyo walaac. Waxaa bilawday hawsha midaynta qoyska iyadoo weli Suudaan joogto. Mas’uuliyiinta Faransiiska, gabadhan yar ayaa lagu qasbay iney timaado Addis Ababa si ey howsha u sii waddo, maadaama safaaradda Faransiiska ee Suudaan loo raray caasimadda Itoobiya dagaalka awgeed. Markii ey timid Itoobiya, Wejdaan kama diwaan gashan Qaxooti ahaan Xeryaha, iyadoo filaysay iney dhawr bilood uun ku sugnaato Itoobiya ka hor intaysan ku biirin ninkeeda, oo magangalyo ka helay Faransiiska. Laakiin dhowr bilood ka hor, codsigeeda waa la diiday. Waxay racfaan ka qaadatay Maxkamadda maamulka ee Nantes. Dhanka kale, Wejdaan waxay ururinaysaa deyn. Hadda waxa ey Hay’adda Socdaalka Itoobiya ku leedahay lacag dhan 5,320 US dollars (4,600 euros). "Ma bixin karo lacagtan, laakiin sideen ugu macneeyaa, Carabiga uun baan ku hadlaa, cid i caawisana ma jirto" ayey ku calaacashay iyadoo ilmaysa. "Rajada kaliya ee aan qabo waa inaan maalin ku biiro ninkeyga. Laakiin sugitaanka waa mid aan loo dulqaadan karin, waxaan rabaa kaliya inaan helo nolol caadi ah oo ka fog dagaal iyo kalinimo. Taasi waa intaas."

'WAAN KA QOOMAMEYNAYAA INAAN BAXAY'.

In kasta oo sharciga Itoobiya la soo saaray 2019 oo u dadka Qaxootiga ah u ogolaanayo inuu shaqeeyo oo uu furo xisaab Bangi, Cismaan wuu awoodi waayay inuu shaqo helo. Maanta, wuxuu la wadaagaa riyada Wejdaan: "Xaqiiqdii waxaan rabaa inaan halkan ka tago. Maxaan u dhisi waayay noloshayda Yurub ama Kanada? Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan ku laabto Ruushka." 2023, Cisman wuxuu helay fiisaha ardayga ee Ruushka. Waxa uu halkaa joogay dhawr bilood ka hor inta aanu isku dayin in uu Midowga Yurub ka soo galo Poland. Waxa lagu xiray kaynta dhexdeeda ilaalada xuduudka Belarusiya, kuwaasoo "Dab qabadsiiyey aqalkii ey ku xireen." Ninka dhalinyarada ah ee Suudaaniga ah ayaa dhowr bilood ku jiray isbitaalka isagoo la tacaalayay dhaawaciisa. Ugu dambayntii waxa loo musaafuriyay Suudaan, ka hor intii aanu dagaalku bilaaban. Cismaan gacantiisa wali waxaa ka muuqdo nabarradii dhaawacii dabka kasoo gaaray. Ninka Suudaaniga ah ayaa dhowr bilood ku jiray cisbitaalka Belarus isaga oo laga daweynayey gubashadiisa. "Maqnaanshaha nidaamyada taageerada ku filan ee dalalka deriska la ah Suudaan, qaar ka mid ah qaxootiga ayaa lagu qasbay iney sii wataan safarkooda ey meelo kale ku aadayaan waxaane ka mid ah Liibiya iyo Yurub," Hayadda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNHCR ayaa ku qortay bayaan. "Labadii bilood ee ugu horeysay 2025, imaatinka Yurub wuxuu kordhay 38 boqolkiiba marka loo eego sannadkii hore." Amjad, dhankiisa, wuxuu ku dhibtooday inuu arko mustaqbalka. "Markaan xaaladdayda halkan ku arko, waan ka qoomameeyaa inaan baxay," ayuu yiri. "Laakin dagaalku wuxuu ii diidayaa inaan soo laabto, bishii hore, mid ka mid ah walaalahey ayaa dhintay, waxaan rabay waxay ahayd inaan helo meel xasiloon oo aan ka shaqeeyo oo aan nolol ku sameeyo. Laakiin ugu dambeyntii, waxaan ku tiirsanahay gebi ahaanba deeqsinimada dadka, kuwaasoo bixiya Cunto, Qaxwo, mararka qaarkood habeenkii hudheelka, waan waalanayaa."

XIGASHO-DW.

Previous
Previous

DR.C/WELI GAAS OO LOO DHIIBAY XIL CUSUB,XAGEE?

Next
Next

IRAAN OO SHEEGTAY IN 71-QOF EY KU DHIMATAY XABSIGA EVIN,SABABTA?