IRAAN OO SHEEGTAY IN 71-QOF EY KU DHIMATAY XABSIGA EVIN,SABABTA?
(SAWIRKA)-BURBURKA SO GARAY XABSIGA EVIN EE IRAAN.
(TEHRAN)-Ugu yaraan 71 qof ayaa ku dhintay weerar dhinaca cirka ah oo ey Israa’iil Isniintii ku qaadday xabsiga caanka ah ee Evin ee caasimadda Tehran, halkaasoo ey ku jiraan Maxaabiis badan oo u xiran dhinaca Siyaasadeed iyo muwaadiniin Ajaanib ah, sida uu sheegay Garsoorka dalka Iran maanta oo Axad ah.
Duqeymo ey Israa’iil ka geysatay xabsiga Evin ee magaalada Tehran intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood socday ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 71 qof, sida ey sheegeen Waaxda Garsoorka ee Iran Axada maanta ah, maalmo ka dib markii ey dhaqan gashay xabbad joojin lagu soo afjaray colaaddii u dhaxeysay labada cadow ee soo jireenka ah. Weerarkii Isra’iil ee Isniintii ayaa burburiyay qayb ka mid ah dhismaha maamulka ee Xabsiga Evin, oo ah dhisme weyn oo si weyn loo adkeeyey oo ku yaalla Waqooyiga caasimadda Tehran, kaasoo ey kooxaha u dooda Xuquuqda ey sheegeen iney ku jiraan Maxaabiis siyaasadeed iyo muwaadiniin Ajnabi ah. "Sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah, 71 qof ayaa lagu dilay weerarka Xabsiga Evin," ayuu yiri afhayeenka garsoorka, Ashgar Jahangir, oo ka tirsan saraakiisha Xabsiga Evin ayaa sheegay in weerarka, uu qayb ka ahaa ol'olaha duqaynta ah ee Israa'iil ee billowday 13-kii June. Sida laga soo xigtay Jahangir, dhibanayaasha Evin waxaa ku jiray shaqaale maamul, waardiyayaal, maxaabiis iyo qaraabo booqday iyo sidoo kale dad ku noolaa agagaarka. Sawirdada ey garsoorku la wadaageen bulshada ayaa muujinaya darbiyo burbursan, saqafyo dumay, burbur baahsan, iyo sagxadaha oo go'ay oo ku yaalla goobaha sugitaanka ee xarunta. Garsoorka ayaa sheegay in xarunta caafimaadka ee Evin iyo qolalka booqashada la beegsaday. Talaadadii, maalin ka dib weerarka, garsoorka ayaa sheegay in maamulka xabsiyada Iran ey maxaabiis ka soo wareejiyeen xabsiga Evin, iyadoo aan la sheegin tiradooda iyo halka la geeyey midna. Maxaabiista ku xiran Evin ayaa waxaa ka mid ah Narges Mohammadi oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize iyo sidoo kale dhowr qof oo Faransiis ah iyo Ajaanib kale kuwaaso ilaa hadda aan la hayn raq iyo ruux halka ey ku dambeeyeen.
XIGASHO-FRANCE24.