DAGAALKA C/WAAQ DHIMASHO LIX, DHAAWACA TOBAN,SABABTA?

(SAWIRKA)-DAD SHACAB AH OO KA GAMBANAYA DAGAALKA.

(C/WAAQ)-Wararka laga helaayo Degmada C/waaq ee Gobolka Galgaduud ee Dawlad Gobleedka Galmudug ayaa sheegaayo in halkaasi abaarihii sagaalkii subaxnimo uu ka qarxay dagaal u dhexeeyo Ciidamadda Booliska ee Saldhiga degmad C/waaq iyo Maleeshiyaad hubeysan,sida la sheegay dagaalka ayaa yimid ka dib markii Saldhiga Degmada C/waaq laga bilaabay hawl ah balaarinta dhismaha saldhiga,waxaane arrintaan si cad uga hor yimid Milkiile la sheegay inuu iska leeyahay Hotel ku dhaw Saldhiga Booliska Degmada C/waaq, Milkiilaha ayaa ku andacooday in albaabka Saldhiga Booliska aan lagu soo jeedin wejiga Hotekiisa loona daayo halkiisii hore ee uu u jeeday. Dagaalka Degmada C/waaq ayaa waxa gadaal ka kala taagan Xildhibaano aan magacyadooda la sheegin balse ka kala tirsan baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Dawlad Goboleedka Galmudug, waane shaqsiyaadka ugu saameynta badan marka loo fiiriyo degmada C/waaq, Senitar C/weli Garyare kana tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriadda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaan ka hadlay waxa uuna ku tilmaamay iney tahay mid aan loo baahneyn iney dhacdo,waxa uuna Senitarku baaq u diray cid kasta oo dagaalka C/waaq ku lug leh iney si deg deg ah u joojiso dagaalka,dagaalka ayaa waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay ilaa lix qofood halka ey ku dhaawacmeen ilaa toban kale. Culumaa’udiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa la soo sheegay iney ku bexeen joojinta dhiiga daadanaya,balse lama yaqaan iney ku guuleysan doonaan iyo in kale.

ISHA-SB-MEDIA.

Next
Next

HORJOOGE SARE OO ALSHABAAB AH OO LA QABTAY.