HORJOOGE SARE OO ALSHABAAB AH OO LA QABTAY.
(SAWIRKA)-MOOTADII LA QABTAY EE UU WATAY HORJOOGAHA ALSHABAAB.
(SH/HOOSE)-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkaasi oo si xeeladaysan loo abaabulay ayaa Ciidanku ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, iyagoo sidoo kale helay Hub kala duwan oo ey cadowgu u adeegsan jireen falal amni darro iyo mooto ey ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale caddeeyay doorkooda muuqda ee difaaca shacabka iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta, iyagoo si Geesinimo leh uga hortagaya khataraha ka imaanaya cadowga gudaha. Ciidamadda ayaa sidoo kale waxa ey soo bandhigeen Boonoyinkii ey kooxda Alshabaab dadka baada uga qaadi jirtay iyo lacago kaasha ah oo ey kooxdu xooga uga soo qaaday shacabka dega G/Shabeeladda Hoose,waxaane horjoogaha la qabtay uu watay Mooto kuwa xamuulka qaada ah iyo qoryo AK-47 ah kuwaasoo tiradoodu tahay ilaa shan qori ku dhawaad. Dhinaca kale,Ciidanka Kumaandooska Danab iyo cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubaland ayaa hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Baqooqaha ee Gobolka Jubbada Hoose. Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday xarumo ey ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta, iyadoo cadowga lagu gaarsiiyay khasaare xooggan. Ciidanka ayaa weli ku sugan deegaanka, iyagoo sii xoojinaya dhaq-dhaqaaqyada lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta ee isku dayaya iney dhagraan Shacabka degaannadaasi. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, (Gen Khaalid) ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ku tegay furumaha dagaalka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ey ka mid tahay aaga Masaajidka Cali Gaduud, halkaasoo ciidanka geesiyaasha ah ee xoogga dalka ey si adag ugu baacsanayaan kooxaha Khawaarijta. Kormeerkan ayaa yimid iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga Dalka ey guulo is-daba joog ah ka gaareen dagaallo culus oo ey kula jireen Khawaarijta, kuwaasoo lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, lagana xoreeyay deegaanno dhowr ah. Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamadda ku sugan jiidda hore ku bogaadiyey sida ey u gudanayaan waajibkooda Qaran, wuxuuna kula dardaarmay iney laba jibbaaraan dagaalka ilaa laga ciribtiro kooxda Khawaarijta ee dhibka iyo gaboodfallada ku haya shacabka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha la gaaray ey ka tarjumayaan kartida iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ciidanka Xoogga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney siiwadaan garab istaaga ciidamadda geesiyaasha ah ee u taagan difaaca dalka iyo dadka. Degmada Masaajid Cali Guduud ayaa hadda ah mid ku jirta gacanta Ciidamadda DFS ka dib markii kooxda ALshabaab loogu awood sheegtay maalmihii la soo dhaafay,waxaane hadda hareeraha degmada ka socdo baacsi xoogan oo lagu haayo haraadigii kooxda Alshabaab.
XIGASHO-SNA RADIO.