SICIID DENI OO CAAWA CADEEYEY INUUSAN MAR SEDDEXAAD TARTAMI DOONIN.

(MUUQAALKA)-SICIID DENI.

(GALKAIO/MUDUG)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka dhawaajiyay caawa in xisbigiisa Kaah uu yeelan doono musharrax u tartama doorashada madaxtinimada Puntland, isagoo xusay in dastuurka Puntland u oggolaanayo madaxweynaha in laba jeer la doorto. Madaxweyne Deni ayaa hadalkan caawa ka sheegay magaalada Gaalkacyo, xilli uu la hadlayay boqolaal kamid ah dhalinyarada gobolka Mudug, isagoo sheegay in isaga ay weli u harsan tahay muddo ku dhow laba sano iyo bar oo ka mid ah xilkiisa. “Dastuurku laba jeer ayuu ii oggolaaday madaxtinimada Puntland, laba jeerna waa la ii doortay. Laba sano iyo bar ayaa ii harsan. Ninka doonaya xilka ha is keeno. Doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda, xisbigeennuna musharrax ayuu yeelanayaa oo aan dhiseynaa,” ayuu yiri Deni. Deni ayaa xilka madaxweynaha Puntland qabtay January 2019, waxaana mar labaad loo doortay Janaayo 2024, taas oo ka dhigan in muddo-xileedkiisa labaad uu weli socdo. Hadalkiisa ayaa imaanaya xilli dood siyaasadeed oo xooggan ay Puntland ka taagan tahay mustaqbalka hoggaanka iyo doorashada madaxtinimada Puntland, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay horey uga horyimaadeen in Deni uu mar saddexaad isku soo sharaxo xilka madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku adkeeyay in doorashadu ku dhacayso waqtigeeda, isagoo sheegay in xisbigiisa Kaah uu diyaarin doono musharrax u tartama xilka marka la gaaro doorashada. Mucaaradka Puntland ayaa muddooyinkii dambe si gaar ah uga digayay wax kasta oo loo fasiran karo isku day lagu doonayo in lagu kordhiyo muddada xilka madaxweynaha ama lagu hareer maro xaddidaadda dastuuriga ah ee labada muddo-xileed. Hadalka caawa uu sheegay madaxweyne Deni oo ahaa mid laga filayn, ayaa durba hadal hayn ka dhex dhaliyay gudaha Puntland, iyadoo la isweydiiyo suurtagalnimada in madaxweyne Deni uusan doonayn inuu mar kale u tartamo xilka Puntland, iyo musharaxa uu doonayo inuu kala shaqeeyo inuu xisbigiisa Kaah u tartamo doorashada soosocota.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

HAYADDA AMNESTY OO KA HADASHAY XIRIGA SACDIYA BAJAJ.

Next
Next

WASIIR FIQI XAFIISKIISA KU QAABILAY KU-XIGEENKA ERGAYGA GAARKA AH W