WASIIR FIQI XAFIISKIISA KU QAABILAY KU-XIGEENKA ERGAYGA GAARKA AH W
(MUUQAALKA)-WSIIR FIQI.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Sandra Lattouf. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Wasaaradda Gaashaandhigga, Qaramada Midoobay iyo UNICEF, gaar ahaan ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah ee ay saameeyeen colaadaha hubeysan. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhismaha hannaan isku-duwan oo lagu soo tebiyo, lagu diiwaangeliyo, laguna dabagalo eedeymaha la xiriira xadgudubyada, iyo sidii tallaabooyinka Dowladda Soomaaliya loogu muujin lahaa warbixinnada Qaramada Midoobay. Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday dardargelinta Qorshe-hawleedka Qaran ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay horumar ka sameeyeen ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta, isagoo xusay in ciidamada ay howlgalladooda u fuliyaan si waafaqsan siyaasadaha qaranka iyo waajibaadka caalamiga ah ee ilaalinta rayidka. Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Qaramada Midoobay iyo UNICEF uga mahadceliyey taageerada iyo iskaashiga ay Soomaaliya la leeyihiin, isagoo caddeeyey in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ay khuseyso, si loo adkeeyo ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah ee ay saameeyeen colaadaha.
XIGASHO-GJ.