HAYADDA AMNESTY OO KA HADASHAY XIRIGA SACDIYA BAJAJ.

(MUUQAALKA)-SACDIYA BAJAJ.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Hay’adda Amnesty International ayaa dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacadiyo Macallin Cali ” Sacadiyo Bajaaj” oo dhowaan ay maxkamadda gobolka Banaadir xukun 3 sano ah ku ridday. Sacadiyo ayaa sida ay Amnesty International sheegtay la xiray 12-kii Abriil 2026 magaalada Muqdisho, iyadoo hay’addu sheegtay in xariggeedu la xiriiray dhaqdhaqaaqeeda bulshada, gaar ahaan hadalladeeda baraha bulshada iyo ka qeybgalkeeda bannaanbaxyo nabadeed. 25-kii Juun 2026 ayay maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah, ka dib markii la sheegay in lagu helay falal la xariira kicin dadweyne. Amnesty International ayaa sheegtay inay Sacadiyo Bajaaj kula hadashay gudaha xabsiga ay ku jirto, iyadoo ku adkeysatay in dacwadda, xarigga iyo xukunka lagu riday ay yihiin kuwo siyaasadeysan, isla markaana ay aaminsan tahay in loo ciqaabay hadalladeeda iyo cambaareynta caqabadaha ay bulshada Soomaaliyeed wajahayso. Sacadiyo, oo bartay  umuliso-nimada, ayaa sheegtay in markii ay waxbarashada dhammeysay ay dhowr jeer shaqo ka raadsatay Muqdisho balse ay ku adkaatay inay hesho shaqo la xiriirta xirfaddeeda. Waxay sheegtay inay la kulantay caqabado ay ku tilmaantay takoor, sidoo kalena ay aaminsan tahay in nidaamka awood-qaybsiga beelaha ee 4.5 uu saameyn ku yeeshay fursadaha shaqo ee ay heli kartay. Maadaama aysan helin shaqo rasmi ah, Sacadiyo waxay sheegtay inay isku dayday shaqooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin cunto karinta iyo ku iibinta cuntooyinka  internetka, ka hor inta aysan ugu dambeyn bilaabin wadista bajaajta si ay nolol maalmeedkeeda u maareyso. Waxay sheegtay in waaya-aragnimadeeda nololeed iyo dhibaatooyinka ay maalin kasta ku aragtay bulshada ay ku dhiirrigeliyeen inay si furan uga hadasho arrimaha saameeya dadka caadiga ah, iyadoo adeegsanaysa baraha bulshada iyo ka qeybgalka bannaanbaxyada nabadeed. Sacadiyo Bajaaj ayaa sheegtay sida lagu xusay warbixinta amnesty international in waxa ugu xanuunka badan uu yahay in xilligii lagu xukumayay ay gabadheedu ahayd hal sano jir oo weli ay nuujinaysay. Waxay sheegtay in xariggeedu uu saameyn weyn ku yeeshay qoyskeeda, gaar ahaan gabadheeda oo ay sheegtay in aysan tan iyo markii la xiray hal marna arag. Sacadiyo Bajaaj waxay sidoo kale sheegtay in ay iyadu ahayd qofka ugu weyn ee qoyska dhaqaale ahaan taageera, halka hooyadeedna ay xanuunsatay kadib markii ay maqashay xukunka gabadheeda, taas oo ay sheegtay inay xaaladda qoyska sii adkaysay. Haweeneydan ayaa sheegtay inay xabsiga ku dhex wajahday dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin xanuun kelyaha ah, neef, xanuun indhaha ah iyo dhibaato maqal oo ay sheegtay inay bilaabatay kadib markii askari boolis ahi dhagta ka dharbaaxay xilligii la xirayay. Waxay sidoo kale sheegtay inay miisaan ay u soo bandhigeen in la sii daayo haddii ay ogolaato inay aamusto. Wax yar kadib, ayay sheegtay, sarkaal sare oo dowladeed uu u soo bandhigay shaqo iyadoo shuruud looga dhigay inay aamusto. Si kastaba ha ahaatee amnesty  International ayaa codsatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo, iyadoo arrinteeda ku tilmaantay kiis la xiriira xorriyadda hadalka, xuquuqda aadanaha, haweenka iyo dadka u dooda xuquuqda bulshada.

XIGASHO-GJ.


Previous
Previous

ISRAEL OO SHEEGTAY INEY SII XOOJIN DOONTO XIRIIRKA SOMALILAND.

Next
Next

SICIID DENI OO CAAWA CADEEYEY INUUSAN MAR SEDDEXAAD TARTAMI DOONIN.