SHIRKII GENEVA EE IRAAN IYO YURUB OO AAN WAXBA KA SOO BIXIN.
(SAWIRKA)-WASIIR CABAAS CARAQJI.
(GENEVA)-Wargayska caanka ah kana soo baxa magaaladda London ee AL-Carabi AL-Jadeed ayaa helay nuqul ka mid ah bayaan uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Cabaas Xaqraji, ka markii uu soo gabagabeeyay wada-hadalladii uu Jimcihii la yeeshay dhiggiisa wadamadda Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka, iyo Wakiilka Sare ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Midowga Yurub, Kaya Kalas, oo ku sugan Geneva. Hadalkiisa afarta qodob ka kooban, ayuu Wasiir Caraqji ku sheegay in intii uu socday wadahadalka uu la yeeshay dhinacyadan, uu muujiyay "Walaac daran" oo ku saabsan guul-darrooyinka saddexda waddan ee ku guul-darraystay iney " cambaareeyaan Xadgudubka Yahuudda Sahyuuniyadda" ee ka dhanka ah Iran, isagoo carabka ku adkeeyay Tehran iney sii waddo isticmaalka "Xaquuqda difaaca saxda ah ee ka dhanka ah hay'addan iyada oo ujeedadu tahay joojinta gardarada iyo ka hortagga soo noqoshada." Baaragaraafka labaad ee bayaankiisa, Caraqji wuxuu ku xaqiijiyay in "Barnaamijka Nukliyeerka Iran uu yahay mid nabadeed oo ey hoos imaanayaan kormeerka Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah," ayuu yiri, "Sidaas darteed, weerarka lagu qaado Xarumaha Nukliyeerka ee Iran waa dembi weyn iyo xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah." Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Md.Caraqji waxa uu carabka ku adkeeyay in wadankiisu uu diyaar u yahay inuu ka fiirsado dublamaasiyada hadii la joojiyo gardarada iyo gardarada lagula xisaabtamayo dambiyada uu galay,isaga oo sharaxaya, “Marka la eego xaaladan, waxa aanu si cad oo hufan u carabka ku dhufannay in awooda difaac ee Iran ey tahay mid aan gorgortan ka geli karin”. Wasiir Caraqji ayaa ku dhawaaqay taageerada Tehraan ee sii wadida wada xaajoodyada saddexda waddan ee Yurub iyo Midowga Yurub, iyo inuu diyaar u yahay iney mar kale kulmaan mustaqbalka dhow." Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka oo uu weheliyo Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Kaya Kalas, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay iney diyaar u yihiin iney sii wadaan wadahadallada ey kula jiraan Iran si ey dib ugu soo celiyaan dardargelinta diblomaasiyadeed ee ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka, iyagoo ku nuuxnuuxsaday "Ma jiro xal kama dambays ah oo loo maro hab milateri." Arrintan ayaa timid ka dib wadahadal saddex saacadood qaatay oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, kaasoo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalku ku tilmaamay “Mid halis ah” oo ey la yeesheen dhiggooda Iran, iyadoo aan la sheegin wax horumar ah oo la taaban karo ilaa hadda. Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Noël Barrot ayaa sheegay in “Wadamada Yurub ey rumeysan yihiin in uusan jirin xal militeri oo rasmi ah oo laga gaaro arrinta Nukliyeerka ee Iran”, isagoo ugu baaqay Iran iney wadahadal la furto Mareykanka si xal wada-xaajood ah looga gaaro xiisadda. Waxa uu muujiyay walaaca Paris ee ku aadan taageerada Iran ey siiso kooxaha "Argagixisada", diyaarada aan duuliyaha lahayn oo ey siiso Ruushka, iyo arrinta Maxaabiista reer Galbeedka ee Iran. Wasiirka Faransiiska ayaa tilmaamay in madaxa wada xaajoodka Iran, Cabaas Caraqji, uu muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii wado wadahadalka ku saabsan arrinta Nukliyeerka iyo arrimo kale. Dhankeeda, Kaya Kalas ayaa ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in albaabka wadahadalka Tehran uu furnaado. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Johann Wadepool ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday muhiimadda ey leedahay ka qeybgalka Mareykanka ee wadahadallada si ey gacan uga geystaan sidii xal buuxa loogu heli lahaa arrinta Nukliyeerka ee Iran. Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ingiriiska David Lammy ayaa carabka ku adkeeyay sida wadamada Yurub ey u jecel yihiin iney sii wadaan wadahadalada wuxuuna ku booriyay Tehraan iney sii wado wadahadalka ey la leedahay Maraykanka sidoo kale.
ISHA-AL-CARABI ALJADEED.