GUD.ADEN MADOOBE OO LA KULMAY URURADDA SIYAASADDA.

(SAWIRKA)-KULANKA URURADA SIYAASADDA IYO GUD.MADOOBE.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Ururada Siyaasadeed ee ka jira dalka, waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib). Xubnaha matalayay Ururada Siyaasadeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyay qaabka ey u howlgalaan Ururada Siyaasadda iyo sida ey u taageersanyihiin qorshaha awooda shacabka loogu celinaayo oo ah in dalka ey ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, waxayna balan qaadeen iney dowladda ku garab istaagayaan in dalka la gaarsiiyo doorasho Qof iyo Cod ah iyo dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xisbiyadda Siyaasadeed ee dalka uga mahadceliyay is abaabulkooda iyo sida ey mar walba dowladda ugu garab taaganyihiin iney dalka ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ey taageersantahay Ururada Siyaasadda ee dalka ka jira iyo inuu dalku yeesho Xisbiyo Siyaasadeed, dowladana ey ka go’antahay in shacabka awooda dib loogu celiyo si ey codkooda ugu doortaan hogaanka dalka. Dhinaca kale,Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey in maalinta berri ah kuna beegan 22-ka bisha Lixaad sannadka 2025-ka inuu si rasmi ah u xirmaayo Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Labadiisa Aqal, waxa uuna dib u furmayaa 22-ka Bisha Sideedaad sannadka 2025-ka. Kalfahdiga 6-aad ee Baarlamaanka ayaa soo furmay taariikhdu markeey ahayd 22-kii bishii labaad ee Feberaayo-2025-ka,waxa uuna soo socday muddo dhan ilaa afar bilood,waane kalfadhigii ugu xumaa kalfadhiyadda Baarlamaanka Soomaaliya waqtiyadaan dambe gaar ahaan Golaha Shacabka,waxa eyna Xildhibaanada gaareen heer ey isugu gacan qaadaan Gudaha Golaha Shacabka,waxaane kooram la’aan u baaqday dhawr kulan uu midkii ugu dambeeyey yahay kii dhacay Isniin 16/6/2025-ka kulankaas ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 87-Xildhibaan halkii laga rabay iney soo xaadiraan ilaa 139-Xildhibaan si kooramku u buuxsamo kulankuna u furmo. Inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ah kuwa dhaqaale ka raadiya kulanada Golaha Shacabka,waxa eyna Siyaasadeeyaan shaqadooda loo igmaday.

HALKAAN KA AKHRISO.

ISHA-SB-MEDIA.


Previous
Previous

(GAARISA):-SOOMAALI CARUUR XADAY OO LA SOO QABTAY.

Next
Next

SHIRKII GENEVA EE IRAAN IYO YURUB OO AAN WAXBA KA SOO BIXIN.