(GAARISA):-SOOMAALI CARUUR XADAY OO LA SOO QABTAY.
(SAWIRKA)-BOOLISKA KENYA.
(GAARISA)-Booliska ayaa soo badbaadiyay labo caruur ah oo laga soo qafaashay Gaarisa, waxaana lagu qasbay gaari nooca Toyota Land Cruiser ah oo madow ka hor inta aan loo kaxeynin meel aan la garanayn. Caruurtan ayaa laga helay deegaanka Tana River ee dariska la ah isla gaariga, waxaana la socday lix qof oo kale oo hadda xabsiga ku jira. Sida laga soo xigtay warbixinta booliska, shilkan ayaa dhacay abaaro 10-kii subaxnimo markii mid ka mid ah Surura Hire uu soo sheegay in labo ka mid ah uu awoow u yahay, gabar 10 jir ah iyo wiil 7 jir ah, ey ka soo tageen guriga si ey u soo qaataan casharrada Islaamka ee caadiga ah, oo qiyaastii laba kilomitir koonfur ka xigta saldhigga booliiska deegaanka. "Macluumaad dambe oo la helay ayaa tilmaamaya in caruurta la arkay iyaga oo lagu qasbayo baabuur madow oo Land Cruiser Prado ah, lambarka diiwaangelinta KDL 171S, ka dibna u kaxaystay meel aan la garanayn," ayaa lagu yiri warbixinta. Booliska ayaa si deg deg ah u bilaabay howlgalo baaritaano ah oo ku saleysan warbixinta, waxaana gaariga lagu guuleystay in lagu qabto jidgooyo ey booliisku ku leeyihiin magaalada Garsen ee ismaamulka Tana River. Markii ey kormeer ku tageen, waxay askartu ka heleen gaariga labada caruur ah oo ey la socdaan afar qof oo waa-weyn, saddex nin iyo hal naag. Eedeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay, Ibraahim Siciid Same oo u dhashay dalka Australia oo 42-jir ah, Cali Aadan Kuno oo ah wiil Soomaali ah oo 23-jir ah, Khaalid C/llaahi Maxamed oo 25-jir ah iyo Malyuun Qaasim Xuseen oo gabar 35-jir ah. Eedeysanayaasha ayaa hadda xabsiga ku jira, waxaana lagu wadaa in la horgeeyo cadaaladda, iyadoo laga sugayo in tallaabo sharci ah laga qaado.
ISHA-EASTLEIGH VOICE.