ALSHABAAB OO LAGA XUREEYEY SABIID IYO CAANOOLE.
(SAWIRKA)-GODADKI ALSHABAAB LOOGU GALAY.
(SH/HOOSE)-Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda ee (UPDF) kana tirsan Hawlgalka USSOM ayaa guul weyn ka gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta AL-shabaab ka dib howlgal qorsheysan oo si guul leh looga fuliyay deegaanada istaraatiijiga ah ee Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose,Dawlad oboleedka KGS. Howlgalkaan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta AL-shabaab, waxaana lagu qasbay iney isaga cararaan meelihii ey ku dhuumaaleysanayeen. Ciidanku waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaannadaasi, waxayna hadda wadaan howlgal amni xaqiijin ah oo lagu sugayo nabadgelyada shacabka deegaanka. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in guushan ey ka tarjumeyso dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta AL-shabaab iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan amni iyo kala dambeyn.Dhinaca kale,Howlgallo Qorshaysan oo Ka Dhan ah Khawaarijta AL-shabaab ayaa ka Dhacay Gobolka Bakool ee Dawlad goboleedka K/Galbeed soomaaliya. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgallo qorshaysan ka fuliyay deegaanka Dhaji, oo qiyaastii 40km u jirta degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool. Howlgalladan oo ujeedkoodu ahaa ciribtirka khawaarijta ku dhuumaaleysaneeysay tuulooyinka miyiga ah, ayaa laga gaaray guulo muhiim ah, sida uu warbaahinta Ciidanka u xaqiijiyay Taliyaha Guutada 9-aad, Kornayl Yoonis Aadan Xasan. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, ayna ku jiraan horjoogayaal muhiim ah. Waxaa sidoo kale laga furtay hub iyo saanad ciidan oo ey ku kaydsanayeen deegaankaasi. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si joogto ah u sii wadda howlgalka lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta AL-shabaab ee naf-lacaariga ah, iyadoo talisku uu adkeeyay in la dar-dargelinayo dadaallada lagu xaqiijinayo Amniga guud ee Gobolka Bakool iyo dalka intiisa kale.
ISHA-SNA.