DIB U DHAC KU YIMID SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARANKA EE BERRI.

(SAWIRKA)-GOLAHA WADATASHIGA QARANKA.

(MUQDISHO)-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran(NCC) ee uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, horey ugu muddeeyay inuu qabsoomo 22-ka Juun 2025, ayaa dib loo dhigay, iyadoo la tixgelinayo u diyaar-garowga iyo muhiimadda toddobaadka Xorriyadda.

Bayaan ka soo baxay Madaxtooyadda JFS ayaa lagu sheegay in:

“Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garowga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ey leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha Allah.”

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro Arrimaha Dhameystirka Dastuurka, Qorshaha Doorashooyinka heer Qaran iyo heer deegaan, iyo Wadatashiyo Siyaasadeed oo salka ku haya aayaha dalka. Ka Qaybgalka Shirka ee Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa weli ku jiro Mugdi mana kala cada go’aankooda. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin liiska Madaxda ka qeybgaleysa, haddana weli lama caddeyn in Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ey ka mid noqon doonaan shirka, taasoo sii kordhin karta su’aalaha laga qabo Midnimada Mowqifka Siyaasadeed ee heer Dowlad-Goboleed. Shirkan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid xasaasi ah oo go’aanno muhiim ah looga gaari doono hannaanka Siyaasadeed iyo Dastuurka dalka. Dhinaca kale,warar hoose ey heshay Warbaahinta Suuqbacaad Media ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland Md.Axmed Maxamed Islaan(Madoobe) uu ku wajahan yahay caasimadda Garawe ee Dawlad Goboleedka Puntland maalmaha inagu soo socdo. Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doono sida ey ka yeelayaan xaaladda cakiran ee Siyaasadda dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriiro Wax ka bedelka lagu sameeyey dastuurka,Doorashooyinka iyo Amniga dalka Soomaaliya ey ugu horeyso la dagaalanka looxaha ALshabaab iyo Daacish. Deni iyo Madoobe ayaa kala booday ka dib markii Reysal Wasaare loo magacaabay Md.Xamse Cabdi Barre sannadkii 2022-kii,magacaabistaan ayaana keentay in labada masuul eysan dabka kala qaadan ilaa ey soo kala dhxgashay Dawladda Imaaraatka Carabta oo saaxib dhaw la wada ah labada maamul ee diidan Dawlad kasta uu yeesho dalka Soomaaliya. Warar aan weli la xaqiijin ayaa tilmaamay in Madaxweynaha DG Puntand Siciid C/laahi Deni uu damacsan yahay inuu sameeyo isku shaandheyn Golihiisa Wasiiradda ah balse lama sheegin Wasiiradda ey saameyn doonto kuwa ey yihiin, waxaase loo badinayaa in Wasiirka Warfaafinta DG Puntland Maxamud Ceydiid Dirir yahay Wasiirka loo dan leeyahay in xilka laga qaado ka dib markii maamulka uu kala kulmay dhaleeceyn aan caadi ahayn hadalkii qadafka ahaa ee uu yiri Wasiir Ceydiid.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SHIR LOOGA HADLAAYO ISGAARSIINTA.

Next
Next

ALSHABAAB OO LAGA XUREEYEY SABIID IYO CAANOOLE.