SHIR LOOGA HADLAAYO ISGAARSIINTA.

(SAWIRKA)-MADAXDII SHIRKA.

(NAIROBI)-Guddiyadda Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaaladda Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya uga furmay kulan ey uga doodayeen Hindise Sharciyeedka Sharciga Aminga Internet-ka (Cyber security), Hindise Sharciyeedka Sharciga Macaamiilka Danabeysan iyo Hindise Sharciyeedka Sharciga Dambiyadda Internet-ka, waxaana xubnaha guddiyada oo ey kala hogaaminayaan guddoomiyaasha labada guddi kulanka kala qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Booostadda iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Aden Mocalin ( Maxamed Soomaali) iyo Wasaaradaha dhigiisa ah ee Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Guddiyadda Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud, waxaa sidoo kale furitaankiisa ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Wadanka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, waxaanna xubnaha ka socday labada guddi ey dood ka yeesheen sedaxda Hindise Sharciyeed, iyaga oo isla gartay iney si wadajir uga shaqeeyeen.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

MARAYKANKA OO SEDDEX GOOBOOD OO MUHIIM AH KA WEERARAY IRAAN.

Next
Next

DIB U DHAC KU YIMID SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARANKA EE BERRI.