MARAYKANKA OO DAAD GUREYN KU BILAABAY SHAQALIHIISA BAQDAAD.

(SAWIRKA)-URURKA NUJ.

(BAQDAD)-Waa markii labaad uu Maraykanku shaqaale badan ka raray Safaaradii uu ku lahaa caasimadda Ciraaq ee Baqdaad fiidnimadii Jimcaha maanta ah.

“MARKII LABAAD”

Ilo-wareedyo la hadlay Tv-ga AL-Caabiya ayaa sheegay in daad-gureynta cusub ee sahaqaalaha Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad ey dhacday fiidnimadii Jimcaha, oo ey ku jiraan tiro shaqaale ah. Warku Waxa uu intaas ku daray in afar diyaaradood ey ka daadgureeyeen ku dhawaad ​​80% Shaqaalihii aan muhiimka ahayn ee Safaaradda Maraykanka ee caasimadda Baqdaad. Dhanka kale, Weriyaha Tv-ga AL-Carabiya ayaa xaqiijiyay in kooxaha Ciraaq ey u Hanjabeen Danaha Mareykanka haddii Washington ey ka qeyb qaadato weerar ka dhan ah Iran. Waxa uu intaasi ku daray in Hawlgalka daadgureynta Maraykanka uu yahay kii labaad oo noociisa ah tan iyo markii uu bilowday iska horimaadka u dhexeeya Iran iyo Isra’iill, isagoo xusay iney dhici karto iney ka dhalatay Khatar.

“HANJABAADA LAGU BEEGSANAAYO DANAHA, ASKARTA IYO DUBLAMAASIYIINTA MARAYKANKA”.

Waxaa xusid mudan in Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa AL-Nujaba’a, Akram AL-Kacbi, uu ku hanjabay inuu beegsan doono danaha Maraykanka, askarta iyo dublamaasiyiinta gobolka haddii ey "La taabto xitaa timo Madaxa sare ee Iran." Tani waxay jawaab u tahay hanjabaadda Isra’iil ee ah in Hogaamiyaha Sare ee Iran uu bixin doono qiimo aad u badan, iyo hanjabaada Wasiirka Difaaca Isra’iil Katz ee ku aadan in Hogaamiyaha Sare ee Iran "Aan la badbaadin karin". AL-Kacbi ayaa sidoo kale ku hanjabay, qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, inuu beegsan doono dhammaan muwaadiniinta Mareykanka, haddii ey ahaan lahaayeen Ciraaq ama gobolka, sida uu sheegay. Isniintii la soo dhaafay, Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq, Maxamed Shaayac AL-Sudani, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu garab taagan yahay Iran, isagoo ku baaqay in la joojiyo "Gardarada" Israa'iil, lagana hortago in dagaalku sii ballaarto. Intii lagu guda jiray soo dhaweynta tiro badan oo ka mid ah Madaxda Ergada dublamaasiyadeed ee ka socda Asiya iyo America ee ka hawlgala Ciraaq, iyo sidoo kale Safiirada Austaraaliya iyo Turkiga, AL-Sudani waxa uu sidoo kale ku nuux-nuuxsaday inuu diidayo wax kasta oo xad-gudub ku ah Madax-banaanida Ciraaq, taasoo uu muujiyay isagoo cabasho rasmi ah u gudbiyey Hayadaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobe.

ISHA-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

SHIRKII GENEVA EE IRAAN IYO YURUB OO AAN WAXBA KA SOO BIXIN.

Next
Next

BAARLAMAANKA INGIRIISKA OO ANSIXIYEY IN LA DHAMMAYSTIRO DADKA XANUUNSAN.