SHIRKII DHAMMAYSTIRKA DG KHATUMO OO FURMAY,MAXAA XIGA?

(SAWIRKA)-SHIRKI LAASCAANOOD.

(LAASCAANOOD)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Sool hadana ah caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka SSCKHATUMO ayaa seegaayo in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali Xoosh uu maanta oo Axad ah si rasmi ah u furay Shirweynaha Dhameystirka Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo. Ugu horeeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa sheegay in bulshada SSC ey qaadatay go’aanka aayahooda, wuxuuna yiri” Bulshada SSC waxay qaadatey go’aan geesinimo leh oo ah in la dhiso Dowlad-goboleed rasmi ah, Dastuur leh, una adeegaysa rabitaanka shacabka, DFS-na waxay garab taagan tahay dadaalkaa.” Wasiir Cali Xoosh ayaa soo ka hadlay aragtida Dowladda Federaalka ee SSC, wuxuuna yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xalka nabadda iyo horumarka deegaanada SSC lagu gaari karo oo keliya marka deegaamadaani helaan Dowlad-goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqota nidaamka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”. Sido kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay doorka hoggaanka dhaqanka isagoo yiri”Isimada dhaqanka, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa doorkooda, waxaanan ku boorinayaa in ay sii xoojiyaan hoggaaminta nabadda iyo guusha shirweynaha.” Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh ayaa baaq u diray bulshada SSC, isagoo yiri ”Waxaan baaq iyo dardaaran u dirayaa dhammaan qeybaha bulshada sida; Isimada, Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Haweenka iyo Dhalinyarada, si ay u ilaashaan nabadda, u hoggaansamaan nidaamka, kana shaqeeyaan Dowladnimadda iyo Horumarka. Kulanka maanta dhacay ayaa waxaa qeyb ka ahaay Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee SSCKHATUMO Firdhiye,Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee BJFS Md.Tmacadde iyo Xildhibaano ka tirsan labad aqal ee baarlamaanka,Hogaanka dhaqanka SSCkhatumo. Maamul u sameynta SSckhatumo ayaa waxa caqabad adag ku ah, maamuladda shacabka SSCkhatumo ka hortaagan iney aayahooda ka tashadaan,Soomaliland iyo Puntland ma ogola in maamul seddexaad ka soo dhex baxo dhexdooda si uu u metelo shacabka dega Sool iyo Sanaag,sababaha ugu waa weyn ee Soomaaliland iyo Puntland ku diidan yihiin in SSCkhatumo noqoto maamul iyaga la mid ayaa ah Kheyraadka dhex ceegaaga dhulkooda ey doonayaan in iyaga kaligood ey ku tasarufaan kana macaashaan.

ISHA-SNTV.


Next
Next

KUMUU AHAA MADAXWEYNE MAXAMADU BUHARI?