MASUUL SARE OO SOOMAALIDA WAJEER AH OO LA LA’AYAHAY.

(SAWIRKA)-QOYSKA MASUUL LA LA’AYAHAY.

(NAIROBI)-Qareen Danstan Cumari ayaa gudbiyay kiis Maxkamadeed oo uu ku doonayo in lagu soo helo Guddoomiye Ku Xigeenka Ismaamulka Wajeer XUSEEN MAXAMED, isagoo dhintay ama nool. "Waxaan u guurnay Maxkamad si aan u raadino amar ku qasbaya soo helista Xuseen, ha ahaado mid nool ama dhintay," Cumari ayaa u sheegay Saxafiyiinta ka baxsan Maxkamadaha Sharciga ee Milimani. Xuseen, oo sidoo kale ahaa Maareeyaha Xarunta Xuduma ee Wajeer, ayaa la la'a yahay tan iyo 8-dii bishaan Luulyo ee sannadkan-2025. Codsiga la gudbiyay Julaay 13, 2025, Cumari waxa uu ku tilmaamay Xuseen inuu yahay Sarkaal Sare maqnaashihiisane ey keentay walaac. Waxa uu sheegay in Xuseen uu hayo xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka, taasi oo ka dhigaysa mid muhiim u ah maamulka Gobolka. Xubnaha qoyska ee la socday Cumari ayaa sheegay in dadaalkii ey ku baadigoobayeen Xuseen uu guul dareystay inkastoo ey arrintan u gudbiyeen Hay’adaha ey khuseyso. "Dhowr maalmood ayaa laga joogaa tan iyo markii la waayay, ma jiro xiriir ku filan oo ka yimid mas'uuliyiinta, aad ayaan uga walwalsanahay," ayuu yiri xubin Qoyska ka mid ah. Walaalkii, Cabdiwar Maxamed, ayaa ku baaqay baaritaan deg deg ah, madax-bannaan, oo hufan. Waxa uu ku booriyay Agaasinka Dembi-baarista (DCI), Kormeeraha Guud ee Boliska, Agaasimaha Xeer-ilaalinta Guud (DPP), iyo Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya iney si deg deg ah wax uga qabtaan. Cumari waxa kale oo uu sheegay iney ka codsadeen DCI-da in faylka baarista ee Wajeer loo wareejiyo xarunteeda si wax looga qabto. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Kormeeraha Guud ee Booliska, iyo DPP ayaa loo magacaabay iney jawaab ka bixiyaan kiiska.

ISHA-THE STAR KENYA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO LIIBIYA OO KENYA GELI KARA VISA LA’AAN,SABABTA?

Next
Next

SHIRKII DHAMMAYSTIRKA DG KHATUMO OO FURMAY,MAXAA XIGA?