SHIRKII CIMILADDA EE KAMPALA OO SOO DHAMMAADAY.
(SAWIRKA)-KAMPALA.
(KAMPALA/UG)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Ugaandha ee Kambaala ayaa sheegaayo in Soomaaliya ey ka qeybgashay Shikii 6-aad Agaasimeyaasha Maaliyadda iyo Cimiladda Afrika kaasoo magaalada Kampala ee dalka Uganda Lagu soo gabagabeeyay waxa uuna ku saabsan Isbeddelka Cimilada Maaliyadda iyo sida Afrika uga faa’iidaysan karto. Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaranka Cimilada Soomaaliya, Mudane Liban Cabsiiye, kaasi oo ahaa Shirkii 6-aad ee Agaasimeyaasha Maaliyadda Cimilada Afrika oo sanadkaan lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda. Agaasimaha Fulinta, Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada ayaa khudbaddiisa kaga hadlay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dadajinta iyo ka faa’iidaysiga maalgelinta cimilada, si wax looga qabto mudnaanta deg dega ah ee ka hortagga iyo la qabsiga isbeddelka cimillada.’Waxa aan ku faraxsanahay in aan ka qeybgalno shirkii 6-aad ee Agaasimeyaasha Maaliyadda Cimilada Bariga Afrika ee Kampala, Uganda lagu qabtay, anagoo soo bandhignay horumarka iyo fursadaha Soomaaliya ee maalgelinta cimilada iyo qaabka aan uga faa’iidaysan karno . Is-weydaarsiga aqoonta iyo waayo-aragnimadu waa muhiim si loo xoojiyo adkaysiga Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika." Ayuu yiri Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya. Agaasimaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay kaalinta iyo hogaanka Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siiyay maalgelinta cimilada si loogu horseedo mustaqbal wanaagsan shacabka Soomaaliyeed. Wafdiga Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay waxa kale oo ka mid ahaa wakiillo ka socda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomqaliya iyo Guddiga Qaranka ee Dhaqaalaha. Shirku waxa ka soo qeybagalay madax iyo xubno ka socday Hey'addaha caalamiga ah ee Maaliyadda cimilada adduunka. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka aad ugu nugul sbeddelka cimilada wali iyadoo dhinacyo kale duwan ka saamasay, sida fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqday.
ISHA-SNTV.