MW-TRUMP IYO XILDHIBAANAD ILHAN CUMAR MAXAA KALA QABSADAY?
(SAWIRKA)-TRUMP.XASAN SHEEKH IYO ILHAN.
(NEW YORK)-Wararka laga helaayo magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump, uu markale ku celiyey weerarro afka ah oo uu ku qaaday xildhibaanad Ilhaan Cumar, isagoo sheegay inuu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, suurtagalnimada in dib loogu soo celiyo Ilhaan Cumar dalkeedi Soomaaliya. Trump oo la hadlayey warbaahinta gudaha Aqalka Cad, ayaa yiri "Waxaad ogtahay inaan la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaan u soo jeediyey haddii uu jeclaan lahaa inuu kaxaysto iyada [Ilhaan Cumar]," isagoo sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku jawaabay, “inuusan doonayn.” Hadalkaan ka yimid Trump ayaa lagu qaabilay qosol iyo sacab ka yimid Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka J.D. Vance iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Trump ee markaas goobta joogay, taasoo sii hurisay falcelin ballaaran oo dhanka bulshada iyo Siyaasiyiinta Mareykanka ah. Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ah gabadh Muslimad ah, asalkeeduna yahay Soomaali, isla markaana laga soo doorto Gobolka Minnesota, ayaa si kulul uga falcelisay hadalkaas waxa eyna ku tilmaantay mid been abuur ah oo sumcad dil ah.
Qoraal ey ku soo dhigtay barteeda X (hore Twitter) ayey ku tiri “Horrey wuxuu u diiday in Soomaaliya leedahay Madaxweyne, haddana been kale ayuu abuurayaa, Madaxweyne Trump waa nacas beenlow ah oo sinaba hadaladiisa waji gabaxa leh loo rumaysan karin.” Ilhaan Cumar ayaa marar badan hore ku eedeysay Trump inuu yahay qof cunsuri ah, isla markaana si gaar ah u bartilmaameedsada Dumarka Madow, Muslimiinta, iyo dadka kasoo jeeda Qowmiyadaha kale ee laga tirada badan yahay.
XIGASHO-HOL.