MW-CIRRO OO IMAARAATKA KAGA QEYBGELAAYO SHIR CAALAMI AH.

(SAWIRKA)-MW-CIRRO.

(DUBAI)-Dowladda isku tagga Imaaraadka Carabta(UAE) ayaa mar kale qaaday tillaabo ka dhan ah Midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya, ka dib markii ey Madaxweynaha Somaliland ku marti-qaaday shir Caalami ah oo dalkaas dhacay, waxaana saacado ka hor magaalada Hargeysa ka dhoofay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefdi uu hoggaaminayo. Safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa noqonaya kii saddexaad ee uu ku tago Imaaraadka mudadii uu xilka hayay, waxaana lagu wadaa inuu ka qaybgalo Shirweynaha Caalamiga ah ee Dhaqaalaha Cagaaran oo ey ka qeyb-galayaan Madax iyo masuuliyiin ka socda in ka badan 31 dal, Diblomaasiyiin, Ganacsato iyo Maalgashadayaal Caalami ah oo tiradoodu ka badan tahay 3,300 qof. Bilo ka hor ayuu sidoo kale Madaxweyne cirro dalkaas uga qeyb-galay shir Caalami ah oo ey dowladdu Imaaraadku ku marti-qaaday, kaasoo uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlayay muhiimadda Juqraafi ee deegaannada Soomaaliland iyo Aqoonsiga ey dunida uga baahantahay. Safarkan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan dowladda isku tagga Imaaraadka Carabtu(UAE) ey ku dhawaaqday qorshe lagu mamnuucayo in muwaadiniinta wata baasaboorka Soomaaliga ah ey galaan dalkaas. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in eysan ka jawaabin tallaabooyinkan Imaaraadka, kuwaasoo loo arko xadgudub ku ah Midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya. Ma ahan markii ugu horreysay oo Imaaraadku uu xiriir diblomaasi iyo dhaqaale la yeesho maamullada Soomaaliya qaarkood, iyadoo hore heshiisyo kala duwan ula galay Puntland iyo Somaliland, sidoo kalena uu gacanta ku hayo maamulka dekedaha Boosaaso iyo Berbera. Sidoo kale, Imaaraadku wuxuu sanadihii la soo dhaafay xoojiyay xiriirkiisa siyaasadeed ee Jubbaland, oo hadda si weyn  isku hayaan DFS, Villa Soomaaliya’se dhankeeda weli ma qaadin wax tillaabo ah oo ey uga jawaabayso faragelinta Xukuumadda Abuu Dubai.

XIGASHO-GOOBJOOG.


Next
Next

MW-TRUMP IYO XILDHIBAANAD ILHAN CUMAR MAXAA KALA QABSADAY?