MARAYKANKA: NIN XAASKIISA TOOREEY KU DILAY OO SHAACIYEY MAGACIISA.
(SAWIRKA)-MINDI.
(SAINT CLOUD/MN)-Shalay ayey ahayd markii aan idinla wadaagnay dil Mindi Tooreey ah loo adeegsaday inuu ka dhacay magaaladda Saint Cloud ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Hayadaha Amaanka ee magaaladda Saint Cloud ayaan shalay shaacin ninka dilka geystay magaciisa iyo Gabdha u dhaxday uu dilay midkood,hadaba maanta oo Khamiis ah ayaa Waxaa la sheegay magaca ninkii gabadhaa cunuga u dashay magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota ku dilay. Magaciisa waa Cabdirisaaq Maxamed Saleebaan oo 26 sanno jira ayaa tooreey ku dilay Allaha u naxariisto ee Falus Ali oo 24 sanno jir ahayd. Allaha u naxariisto Falus Cali ayaa u dhimatay dhaawacyo badan oo ka soo gaaray mindi uu marar badan la dhacay Cabdirisaaq Maxamed Saleebaan. Ninkan dilka geystay iyo gabadha uu dilay ayaa isu dhalay hal cunug. Sidoo kale, gabadha dhimatay Falus Ali ayaa leheed Uur hal bil ama labo bilood ah. Gacan ku dhiigle Cabdirisaaq M. Saleebaan ayaa ku xiran Xabsiga degmadda Bento ee Gobolka Minnesota. Ninkan ayaa loo haystaa labo dambi oo kala ah inuu ku xadgudbay amar Maxkamad ka soo baxay oo ah inuusan la xiriiri karin, meel ay joogtana tagi karin gabadha uu dilay iyo dil ula kac ah oo ah heerka labaad isaga oo mindi qof ku dilay, gaar ahaan dilka Falus Ali. Ninkan ayaa weli Xabsiga lagu hayaa, wuxuuna sugayaa in Maxkamad la hor keeno oo si rasmi ah dacwadahan loo haysto loogu soo oogo.
XIGASHO-TUSMO TIMES/MINNEAPOLIS-USA.