SHIRKA NAIROBI EE BEESHA DAAROOD MAXAA LAGA FILAN KARAA?

(MUUQAALKA)-GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA.

(NAIROBI/KENYA)-Diyaar garow ayaa socda oo ku saabsan shir weyn oo #Daarood ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadda ee dalka. Shirkan waxaa la sheegay inay soo qabanqaabinayaan Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno dhaqameed oo ka kala socda Puntland iyo Jubbaland , waxaana la filayaa inuu soo saaro go'aanno Siyaasadeed oo waa weyn haddii aan heshiis doorasho laga gaarin wadahadallada socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo mucaaradka, kuwaas oo ay fududeynayaan beesha caalamka . Puntland iyo Jubbaland waxay tilmaameen inay qaban karaan doorasho gaar ah oo ay ka dhisi karaan dowlad kale dalka haddii Villa Somalia ay sii waddo xukunka iyada oo aan la gaarin heshiis. Haddii eyba dhacdo inaan la gaarin heshiis doorasho oo la wada ogol yahay, waa maxay waxyaabaha uu isbedel muuqdo uu ku imaan karo bushadana ey dareem karto si dhaqsi ah? In Soomaaliya burburto dibne ugu laabato halkii ey ka timid 14-sano ka hor kuwii dalbaday ayey qeyb ka ahaayeen Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland Siciid C/laahi Deni iyo Axmed Madoobe, waxa eyna ku qanacsanaayeen in dalka Soomaaliya la geliyo Maxmiyad ey dusha ka maamusho Qaramada Midoobe. Waxaase mudan in mar uun la is weydiiyo maxaa waqtigaan ku soo beegay in Qabiil lagu awrkacsado, anagoo og in labada maamul ey yihiin kuwa Siyaasad ahaan aan weligood garab istaagin dawlad dhiska Soomaaliya, kuna qataarnaay dawladdii timaadaba. labadaan maamul hogaankooda ayaa ah mid ku asteysan qaran dumin aan geed loogu gamban, iney maanta shacabka Soomaaliyeed u sheegaan Qabiil ma filaayo iney jirto cid ku taageereyso, waayo waxa ey diideen kana horyimideen Madaxweyne u dhashay Beesha Daarood(Farmajo), waxa eyna goob fagaara ah ka cadeeyeen iney isu beheyanayaan sidii Farmajo looga soo saari lahaay Villadda, waxaa iyadana mudan in xisaabka lagu darro in Farmajo loo diiday inuu qeyb ka noqdo Mucaaradka la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ey ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Ex.Mw-Sheekh Shariif iyo Hogaamiyeyaasha labada maamul Puntland iyo Jubaland. Haddiiba ey dhacdo in beelaha Daarood isku raacaan qaab qabiil iskuna afgartaan iney dhisaan dawlad barbar socota mida hadda jirta, muxuu yahay mustaqbalka Siyaasiyiintii ka tirsanaay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee u badnaay Beesha Hawiye? ma waxa ey dib ugu soo laaban doonaa tolkooda oo waxa ey garab istaagi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, mase waxa ey noqon doonaa kuwa dalka isaga carara oo dib ugu laabta dalalkii ey dhalshada ka heysteen?

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

KOOXDA ALSHABAAB OO SOO WEERARTAY BAYDHABO.

Next
Next

DAWLADDA SOOMAALIYA IYO DAWLADAHA XUBNAHA KA AH OO ISKU RAACAY….