KOOXDA ALSHABAAB OO SOO WEERARTAY BAYDHABO.

(MUUQAALKA)-CXDS OO KU SUGAN BAYDHABO.

(BAYDHABO/KGS)-Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii xoogagga mucaaradka ka saaray mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka, Baydhabo, ka dib iska horimaadyo culus oo sababay dhimasho dad badan, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Wakaaladda Warar ee Reuters. Baydhabo, oo hoy u ah boqolaal kun oo qof oo kasoo barakacay ALshabab,colaadaha iyo gaajadu meelo kale, waxaa gilgilay dagaal saacado badan socday oo u dhexeeyay askarta Federaalka iyo xoogagga mucaaradka ee daacadda u ah Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Dadka deegaanka ayaa sheegay in isku dhacyadii ka dhacay bartamaha magaalada Isniintii ay ahaayeen kuwii ugu xoogganaa tan iyo bishii Maarso, markii ciidamada Federaalku ay la wareegeen gacan ku haynta Baydhabo ka dib markii maamulka Laftagareen uu sheegay inuu xiriirka u jarayo Dowladda Federaalka iskuna caana shubay, Laftagareen ayaa markaa ka dib xilka iska casilay. Dowladda Federaalka oo iyadu laba sano ka hor ku dhibtooneysay inay xakameyso kacdoonka kooxda AL-Shabaab iyo sidii looga hortagi lahaa macaluusha, ayaa wajahaysay iska caabin xooggan oo ka imaaneysa dowlad goboleedyada. Maamulka dawladdu wuu diiday saameynta Muqdisho ee doorashooyinka dowlad goboleedyada , wuxuuna diiday isbeddellada dastuuriga ah ee ay sheegeen inay ku jiraan awoodda maamulka. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada ku sugan Baydhabo ay weerar ku qaadeen ka hor waaberigii dagaalyahanno adeegsanaya gawaari ay ku raran yihiin walxaha qarxa. Waxay sheegtay in ciidamadeedu ay ka saareen raggii weerarka geystay Baydhabo, iyagoo dilay ilaa 30 ka mid ah. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada oo ay xaqiijisay Reuters ayaa muujinayay askar federaal ah oo rasaas ka ridaya gadaasha gaari gaashaaman iyo dad sitay dad rayid ah oo ku dhaawacmay waddooyinka. Afar qof oo ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in ciidamada federaalku ay dagaalyahannada mucaaradka ka saareen magaalada, waxayna sheegeen inay arkeen meydad. "Waxaan arkay 10 qof oo dhintay oo ay ku jiraan afar qof oo rayid ah iyo lix askari oo ka kala tirsan labada kooxood," ayuu Faarax Ibraahim oo ah oday deegaanka ah u sheegay Reuters. Xerada Laftagareen, oo aroortii hore ee saaka ku sheegtay Facebook in ciidamadeedu ay qabsadeen bartamaha magaalada, si degdeg ah looma heli karo si looga hadlo. Baydhabo waxaa ka taagan dhibaato bani'aadamnimo oo aad u daran, iyadoo afartii carruur ahba mid ka mid ah uu nafaqo-darro daran ku hayo goobaha ay ku barakaceen, sida lagu sheegay sahan bishii Luulyo ay samaysay hay'adda samafalka caafimaadka ee Faransiiska ee Medecins Sans Frontieres. Dhinaca kale war uu soo saaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayuu ku sheegay in ciidamadiisu ay fashiliyeen weerar ay maleeshiyaad ka tirsan Kooxda AL shabaab ah ku qaadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Bayaan uu soo saaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka, isla markaana ay muddo waday dadaallo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo. Taliska ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka ay si buuxda uga feejignaayeen weerarka, ayna iska caabiyeen kooxaha weerarka soo qaaday, kuwaas oo sida bayaanka lagu sheegay la gaarsiiyay jab iyo khasaaro naf iyo maal ah. Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ay isku dayeen inay qabsadaan goobo ay ka dagaalamaan, balse ciidamada dowladda ay ka hortageen, iyagoo adeegsanaya hub iyo gaadiid ciidan. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka iyo khasaaraha ay gaarsiiyeen Al shabaab ay soo bandhigi doonaan. Dhanka kale, Taliska ayaa shacabka Baydhabo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan iyo wada-shaqeyn, isla markaana ay garab istaagaan ciidamada Qaranka ee u taagan difaaca shacabka iyo sugidda amniga dalka. Bayaan ka soo baxay Taliska ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ciidamada iyo shacabka si loo xaqiijiyo amniga magaalada iyo guud ahaan dalka. Hadalka Taliska ayaa imaanaya iyadoo xubnihii horey uga tirsanaa nidaamkii Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed iyo ciidamo daacad u ah ay sheegteen inay dagaal xooggan ay saakay ku qaadeen magaalada Baydhabo.

ISHA-WAKAALADDO

Previous
Previous

SOMALILAND OO SHEEGTAY IN WADA SHAQEYN AMNI KALA DHEXEYSO PUNTLAND.

Next
Next

SHIRKA NAIROBI EE BEESHA DAAROOD MAXAA LAGA FILAN KARAA?