DAWLADDA SOOMAALIYA IYO DAWLADAHA XUBNAHA KA AH OO ISKU RAACAY….

(MUUQAALKA)-MASUULIYIINTA WAXBARASHADA DALKA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Shir wada-tashi oo looga hadlayay xaaladda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay Muqdisho, iyadoo Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka, wasaaradaha waxbarashada dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay isku raaceen qodobo dhowr ah oo lagu horumarinayo tayada, baahinta iyo maamulka waxbarashada dalka. Shirka oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa lagu lafa-guray waxqabadka hay’adaha waxbarashada heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kale dib loo eegay talooyinkii kasoo baxay shirkii wada-tashiga ee Agoosto 2025 sida uu  Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cali Maxamed warbaahinta ugu faah faahiyay. Heshiiska ayaa diiradda lagu saaray saddex arrimood oo waaweyn: baahinta waxbarashada, tayadeeda iyo maamulka nidaamka waxbarashada dalka. Dhinaca baahinta waxbarashada, dhinacyadu waxay isku raaceen in la xoojiyo badqabka, fayadhowrka iyo dhireynta goobaha waxbarashada, isla markaana dugsiyada dalka lagu soo bandhigo astaamaha qaranka, oo uu ka mid yahay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la bogaadiyay qoondada miisaaniyadda dowladda federaalka loogu qoondeeyay barnaamijka quudinta dugsiyada, iyadoo lagu baaqay in la ballaariyo lana joogteeyo. Sidoo kale, waxaa lagu ammaanay go’aanka Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu taageerayo dugsiyada dadweynaha, waxaana dowlad-goboleedyada iyo maamulada degmooyinka lagu dhiirrigeliyay inay qaataan tallaabooyin la mid ah. Qodobada lagu heshiiyay waxaa sidoo kale ka mid ah in la bilaabo qaadashada 4,000 oo macallimiin cusub sannad-dugsiyeedka 2026/2027, horumarinta waxbarashada dadka waaweyn iyo kordhinta tirada iyo tayada xarumaha bixiya adeeggaas. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la dhammaystiro tirakoobka iyo diiwaangelinta dugsiyada Qur’aanka iyo macaahida sharciga ah ee dalka. Dhinaca tayada waxbarashada, shirka ayaa lagu adkeeyay dhaqan-gelinta go’aanka mamnuucaya isticmaalka taleefannada casriga ah iyo qalabka la midka ah goobaha waxbarashada inta ay socoto waxbarashadu, si loo yareeyo saameynta ay ku yeelan karaan waxbaridda iyo waxbarashada. Sidoo kale, waxaa la isku raacay in sannad-dugsiyeedka 2026/2027 la dhaqan geliyo qiimeynta qaran ee fasallada saddexaad iyo lixaad, iyadoo la bogaadiyay dib-u-eegista manhajka qaranka. Dhinacyadu waxay sidoo kale ku baaqeen in la dhammaystiro dib-u-eegista habraaca imtixaanaadka qaranka iyo nidaamka kartida macallimiinta, iyadoo sidoo kale la diyaarinayo hagaha qaran ee dugsiyada loogu sameynayo is-qiimeyn. Shirka ayaa lagu heshiiyay in 2027 loo asteeyo sannad tababarro loogu qabanayo macallimiinta ka shaqeeya dugsiyada dalka, si kor loogu qaado aqoontooda iyo xirfaddooda. Waxaa sidoo kale lagu baaqay in la xoojiyo xiriirka waalidiinta iyo maamulka dugsiyada, si kor loogu qaado anshaxa iyo dhaqanka suuban ee ardayda. Dhinacyadu waxay sidoo kale soo jeediyeen in la dardargeliyo casriyeynta agabka waxbarashada, farsamada gacanta iyo xirfadaha shaqo, iyadoo lagu darayo hababka waxbarashada fogaanta. Dhinaca maamulka waxbarashada, shirka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay hoggaan iyo maamul tayo leh oo hagaya nidaamka waxbarashada dalka. Wasaaradda Waxbarashada federaalka, wasaaradaha dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in la kordhiyo u-qareemidda iyo maalgelinta waxbarashada, iyadoo ay ka wada qayb qaataan waalidiinta, maamulada degmooyinka, dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in loo diyaar garoobo qiimeyn lagu sameeyo xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo dejinta qorshaha xiga ee horumarinta waxbarashada, kaas oo lagu saleyn doono Qorshaha Isbeddelka Qaranka. Dhinacyadu waxay sidoo kale isku raaceen in dib loo hubiyo xogta tirada ardayda, macallimiinta iyo goobaha waxbarashada ee lagu kaydiyo Nidaamka Maamulka Xogta Waxbarashada (EMIS), isla markaana la dardargeliyo dhaqan-gelinta Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada. Ugu dambeyn, waxaa la isku raacay in shirka wada-tashiga arrimaha waxbarashada ee xiga lagu qabto Laascaanood, oo ah caasimadda maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Previous
Previous

SHIRKA NAIROBI EE BEESHA DAAROOD MAXAA LAGA FILAN KARAA?

Next
Next

TOOGASHO DAD KU DHAWACMEEN OO KA DHACDAY MINNEAPOLIS.