TOOGASHO DAD KU DHAWACMEEN OO KA DHACDAY MINNEAPOLIS.

(MUUQAALKA)-BAABUURKA BOOLISKA MINNAPOLIS.

(MINNEAPOLIS/MNN)-BREAKING NEWS:-Booliska ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhaawacmeen laba toogasho oo kala duwan oo habeenkii xalay oo Sabti ahayd iyo subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah ka dhacay Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka. Toogashadii ugu horreysay waxay dhacday abbaare (9:38) fiidnimo Sabtidii waxa eyna ka dhacday meel u dhow isgoyska 18th Avenue South iyo 24th Street East. Sida laga soo xigtay booliiska Minneapolis, laba dumar ah mid oo midi tahay 20 jir iyo mid kale oo 50 jir ah ayaa bannaanka joogay markii nin uu rasaas badan ku riday. Tuhmanaha ayaa goobta ka baxsaday ka hor inta aysan booliisku imaan. Haweenka ayaa labadaba loo qaaday Xarunta Caafimaadka ee Hennepin County iyagoo qaba dhaawacyo aan halis gelin nolosha. Todobo saacadood ka dib, (4:40) subaxnimo Axadda maanta ah, booliisku waxay ka jawaabeen warbixin ku saabsan rasaas iyo gawaari badan oo ka baxsanaya guri ku yaal baloogga 3300 ee 38th Avenue South. Saraakiishu waxay heleen caddeymo muujinaya rasaas gudaha iyo dibadda guri laga kireynayay Airbnb. Nin da'diisu tahay 20-sano ayaa la dhigay Isbitaalka Abbott Northwestern isagoo qaba dhaawacyo rasaas ah oo halis gelin kara noloshiisa ka hor inta aan ambalaas loo qaadin HCMC. Booliska ayaa sheegay in aan la soo xirin labada qof ee toogashada geystay.

ISHA-ABC.


Previous
Previous

DAWLADDA SOOMAALIYA IYO DAWLADAHA XUBNAHA KA AH OO ISKU RAACAY….

Next
Next

DIYAARADDA SOMALI AIRLINE OO 35-SANO KA DIB HAWLGELI DOONTO BISHA SEBTEMBER.