SHIRKA GOLAHA WSIIRADDA SOOMAALIYA OO LAGU ANSIXIYEY LABA HESHIIS.

(MUUQAALKA)-SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA.

(MUQDISHO/DOHA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo la-dagaallanka Khawaarijta. Kulanka Golaha oo uu Shir-guddoomiyey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey Labo heshiis oo dowladda la gashay dalka Muritaaniya kuwaas oo kala ah Wada-tashiyo Siyaasadeed iyo Iskaashiga Barnaamijka Tababbarka Diblumaasiyadda. Heshiisyadan ayaa mudnaan gaar ah siinaya iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ay khusayso, gaar ahaan tababbarrada diblumaasiyiinta iyo wada-tashiyada arrimaha siyaasadda oo muhiimad gaar ah u leh dalkeenna, waxa ayna sii xoojinayaan xiriirka labada dal. Dhinaca kale, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Arbacadii u ambabaxay dalka Qatar si uu booqasho rasmi ah ugu tago ka dib markii uu martiqaad ka helay dowladda Qatar. Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in booqashadan ay diiradda saari doonto xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed, gaar ahaan iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta bulshada. Inta uu joogo, Hamza waxaa la filayaa inuu wadahadallo la yeesho mas'uuliyiinta sare ee Qatar. Qatar waxay ka mid tahay dowladaha Carabta ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya, iyadoo iskaashigu uu sii ballaartay sanadihii ugu dambeeyay iyadoo loo marayo horumarinta, maalgashiga iyo taageerada dowladda Soomaaliya. Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya ay raadineyso inay soo jiidato maalgashi shisheeye. Qatar ayaa sanadihii ugu dambeeyay maalgelisay kaabayaasha dhaqaalaha iyo mashaariicda samafalka ee Soomaaliya.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

BOOLISKA G/BANADIR OO BEENIYEY HADAL BEEN ABUUR AHAA.

Next
Next

GUDOOMIYE JAMAC OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKA GUDIGA JOOGTADA EE GOLAHA SHACABKA.