GUDOOMIYE JAMAC OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKA GUDIGA JOOGTADA EE GOLAHA SHACABKA.
(MUUQAALKA)-GUDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Kulanka toddobaadlaha ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu weheliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horreyn, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan shuruucda ay guddiyadu gacanta ku hayaan, marxaladaha ay marayaan iyo waqtiga loo qorsheeyey in lagu horgeeyo Golaha. Xubnaha guddiga ayaa si gaar ah uga dooday shuruucda muhiimka ah ee horyaalla Golaha Shacabka, kuwaas oo qeyb ka ah ajendayaasha Kalfadhiga 8-aad, iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqada guddiyada si shuruucdaasi u maraan hannaanka sharci-dejinta ee loogu talagalay. Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in guddiyada Golaha ay si joogto ah u xoojiyaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan diyaarinta, dib-u-eegista iyo ka shaqeynta hindise-sharciyeedyada horyaalla Golaha, si ay ugu diyaar garoobaan in waqtigooda loogu gudbiyo Gole weynaha. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyey dadaalka iyo shaqada ay u hayaan Qaranka, wuxuuna ku boorriyey guddiyada Golaha in ay sii xoojiyaan shaqadooda, dardargeliyaan shuruucda hortaala, isla markaana mudnaanta siiyaan arrimaha muhiimka u ah horrumarinta iyo dowladnimada dalka. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in Golaha Shacabka uu si hufan uga shaqeeyo ajendayaasha horyaalla Kalfadhiga 8-aad, si shuruucda loo diyaariyey loogu gudbiyo Golaha, looga doodo, loona meel mariyo waqtiyadii loogu talagalay, waxaana ugu dambeyn kulanka guddiga joogtada lagu ansixiyey Ajendayaasha kulamada golaha ee todobaadka soo socda.
ISHA-SNTV.