BOOLISKA G/BANADIR OO BEENIYEY HADAL BEEN ABUUR AHAA.
(MUUQAALKA)-SALDHIGA WAABERI.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Qof lagu magacaabo Farxaan Ibraahin Abshir ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray garabka kadib markii xabad si lama filaan ah uga dhacday qori uu watay mid ka mid ah askarta ka howlgasha Saldhigga Booliiska Waabari ee magaalada Muqdisho sida ay shegeen taliska booliska gobolka Benaadir. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Booliiska, dhacdada ayaa abbaaro 20:50 habeenimo ka dhacday gudaha saldhigga, xilli eedaysanaha uu qoriga la qabsaday askariga. Xabadka ayaa si lama filaan ah uga dhacday qoriga, waxaana ay garabka ka haleeshay Farxaan Ibraahin Abshir, oo Booliisku sheegay in dhaawaciisu yahay mid fudud. Booliisku waxay beeniyeen wararka sheegaya in qof lagu dilay gudaha saldhigga iyo in mayd laga soo saaray, iyagoo sheegay in dhacdada aysan wax dhimasho ah ka dhalan. Booliisku waxa ay sidoo kale sheegeen in baaritaan uu socdo oo ku saabsan sida ay dhacdadu u dhacday. Warka ku saabsan in Saldhiga Boolsika Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir lagu dex dilay qof dabadeedna banaanka loo soo tuuraya ayaa waxaa baraha bulshada ku soo faafiyey wariyeyaal ka tirsan Warbaahinta maxaliga ah ee ka hawlgasha Muqodisho kuwaaso sheegay hadal aan sal iyo baar leeheynbalse ey ugu talagaleen khalkhal gelinta amniga caasimadda.
ISHA-GJ.