PUNTLAND OO TURKIGA KU EEDEYSAY DUQEYMO KA DHACAY XEEBEHEEDA.
(MUUQAALKA)-WASIIR DUJAANA.
(GARAWE/PUNTLAND)-Puntland ayaa Turkiga ku eedeysay inuu mas’uul ka yahay duqeymo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay xeebaha maamulkooda, xilli burcad-badeed Soomaali ah ay gacanta ku hayaan markabka MV Lutuf oo ay sheegeen inuu siday qalab milatari oo xiriir la leh Turkiga. Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa sheegay in maamulka uu hayo caddeymo uu ku saleynayo eedeynta loo jeediyay ciidamada Turkiga. Wuxuu sheegay in Puntland ay ka soo horjeeddo dilka dadka lagu tuhunsan yahay burcad-badeednimada, balse ay taageersan tahay dadaallada sharciga waafaqsan ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda. Dujaana ayaa sheegay in Puntland iyo dowladda federaalka ay siyaasad ahaan kala fog yihiin, isla markaana arrintaasi ay saameyn ku leedahay xiriirka Puntland iyo Turkiga. Wuxuu sheegay in Puntland ay arrinta duqeymaha qoraal iyo dukumenti u gudbisay beesha caalamka. Isagoo xusay in maamulka uu qoraal iyo dukumenti u gudbiyay beesha caalamka oo ku saabsan waxa uu ku tilmaamay khaladaad ka dhacay xeebaha Puntland. Eedeynta Puntland ayaa kusoo beegmaysa xilli Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, uu horraantii toddobaadkan sheegay in dowladda federaalka ay ka warqabto howlgallada milatari ee ka socda xeebaha Puntland, isla markaana la diyaarinayo warbixin dhameystiran. Hase yeeshee, ma uusan sheegin cidda fulinaysa duqeymaha.
ISHA-HOL.