SHARCI KU SAABSAN IGAD OO GOLAHA SHACABKA LA HORGEEYEY.
(SAWIRKA)-HOOLKA GOLAHA SHACABKA.
(MUQDISHO)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhiga lixaad kulankiisa 11-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa,waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guntanka ama Kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa ey mudanayaasha Golaha Shacabka akhrinta koowaad marsiiyeen heshiiskii lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta IGAD, waxaana Warbixinta heshiiskan Xildhibaanadda u akhriyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Balcad. Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda su’aalo ka weydiiyay qodobada heshiiskan iyo ka mid ahaanshaha Soomaaliya muhiimadda ey u leedahay, waxaana su’aalaha Xildhibaanadda ka jawaabayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md.Xil.Cali Balcad. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka in heshiiskan akhrintiisa labaad soo diyaariyaan oo ey Golaha dib ugu soo celiyaan si looga doodo. Xildhibaanadda ka hadlay arrintaan ayaa waxaa ka mid ahayd Xildhibaan Marwa oo ka soo jeedo Puntland, Xildhibaanadan ayaa ahayd Musharaxad Baarlamaanka Addunka balse DFS ey ka hor istaagtay sida ey iyadu u sheegtay Warbaahinta maxaliga ah, Xildhibaanad Marwa ayaa tiri”Shacabka soomaaliyeed yaan been loo sheegin,qof kasta oo tartamay Warqad baa ka dambeysa oo ey ku ceebeynayaan oo ey ku soo rifayaan, marka dadka ha lugooynin, waa tartameynaa ma dhihi kartid, waad ogtahay waxa aad sameyseen”.
ISHA-BJFS.