DUQEYN CULUS OO KA DHACDAY K/BARI BOOSAASO.

(SAWIRKA)-BUURAHA CALMISKAAD.

(PUNTLAND)-Wararka laga helaayo Dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay hawlgal si aad ah loo qorsheeyey oo dhinaca cirka ah, hawlgalka ujeedkiisa ayaa ahaa burburinta kooxo ka tirsan khawaarijta Daacish(ISIS). Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika loona yaqaano AFRICOM oo kaashanaayo Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawlgalka ka fuliyey gudaha Soomaaliya si loo beegsado dhaqdhaqaaqyada kooxaha Xagjirka ah ee ka hawlgala Soomaaliya sida Alshabaab iyo Daacish. Duqeynta ayaa ka dhacday meel qiyaastii 70-kiilomitir Koonfur-bari kaga beegan magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari,dawlad Goboleedka Puntland,Soomaaliya. Maadaama uu hawlgalku dhacay daqiiqado yar uun ka hor, waxaa weli socdo soo ururinta macluumaadka ku saabsan inta uu la eg yahay khasaaraha gaaray kooxda Daacish iyo dhammaystirka hadafka guud ee hawlgalka kaaso ah taageeridda hawlgalka Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku wajahan ciribtirka khawaarijta Daacish. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ey bogaadineysaa iskaashiga dhaw oo ey la leedahay Saaxibadda Caalamiga ah gaar ahaan Dawladda Maraykanka si loo xaqiijiyo Nabadda, Xasillonifda iyo la dagaalanka kooxaha Argagixisada ee khatarta ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dawlad Goboleedka Puntland ayaa dhawr bilood ka hor waxa ey ku dhawaaqday hawlgal ey ugu magac dartay HILAAC kaaso maamulku uu ku sheegay in lagu cirbtiraay kooxda Daacish oo saldhig ka dhigatay degaano ka tirsan DG Puntland gaar ahaan buuraha Calmiskaad ee G/Bari, waane meesha hadda uu ka socdo dagaalka ugu adag ee u dhexeeyo Ciidamadda Puntland iyo kuwa kooxda Daacish.

HALKAN KA AKHRI:

SIAH SNTV.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA YURUB.

Next
Next

SHARCI KU SAABSAN IGAD OO GOLAHA SHACABKA LA HORGEEYEY.