MARAYKANKA IYO IRAAN OO MARKII 4-AAD KULMAY.
(SAWIRKA)-WITKOFF IYO CARAQJI.
(MASQAT)-Maamulka Trump ayaa dhiirigelinaya natiijadii ka soo baxday wareeggii afraad ee wadahadalka Nukliyeerka ee Mareykanka iyo Iran ku dhexmaray dalka Cumaan, sida uu sarkaal sare oo Mareykan ah u sheegay warbaahinta Axadda maanta ah. Wareegga afraad ee wadahadallada ayaa dhacay ka hor safarka Madaxweyne Trump ee Bariga Dhexe dabayaaqada toddobaadkan.
Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Khaliijka ayaa ku booriyay Aqalka Cad inuu heshiis Nukliyeer ah la gaaro Iran si looga fogaado weerar millatari oo lagu qaado xarunteeda Nukliyeerka taasoo horseedi karta dagaal gobolka ka dhaca.
Ergeyga Aqalka Cad Steve Witkoff iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabaas Caraqji ayaa wadahadal saddex saacadood qaatay ku yeeshay magaalada Muscat Axadda maanta ah, waxaana dhexdhexaadinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan Sayid Badar AL-Busaciidi.
"Wadahadalada waxay mar kale ahaayeen kuwo toos ah iyo kuwo aan toos ahayn," ayuu yiri sarkaalka Mareykanka ah.
Sarkaalka Maraykanka ah ayaa sheegay in la isku afgartay in la sii ambaqaado wada-hadallada si loo sii wado ka shaqaynta qodobbada farsamo ee suurtogalka ah ee heshiiska Nukliyeerka.
“Waxaa nagu dhiiri gelinaya natiijada maanta, waxaana rajeyneynaa kulankeena xiga, kaasoo dhici doona mustaqbalka dhow,” ayuu yiri sarkaalka Mareykanka ah.
Dhinaca kale,Ismaciil Baqaei, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, ayaa sheegay in wadahadaladii Axadda maanta ah, ka dib in wada xaajoodyadu ay ahaayeen "mid adag laakiin faa'iido leh ... si loo fahmo midba midka kale mowqifkiisa iyo in la helo siyaabo macquul ah oo macquul ah oo wax looga qabto khilaafaadka."
Caraqji ayaa u sheegay telefishinka Qaranka Iran wadahadalka ka dib in wada xaajoodka Axadda "ay ka culus yihiin" wareegyadii hore.
"Waxaan si fiican u fahansanahay aragtida midba midka kale...wadahadalladu horay ayay u socdaan," ayuu yiri.
AL-Busaciidi ayaa bartiisa (X) waxa uu ku qoray qoraal u qoran sidan”Waxaan maanta magaaladda Masqat ku soo gabagabeeynay wareeg kale oo ah wada hadaladdii u dhexeeyey Iraan iyo Maraykanka. Dooduhu waxa ey isugu jureen fikrado faa’iido leh iyo kuwa asal ah oo ka tarjumaayo rabitaanka la wadaago si loo gaaro heshiis sharaf leh”. AL-sayid Badr Xamad AL-busaciidi waxa uu sheegay in wareegga shanaad ee wada-hadallada inuu dhici doono ka dib marka ay wakiilada Maraykanka iyo Iran la kulmaan Madaxdooda.
ISHA-AXIOS.