DIL KA DHACAY DEGAANKA BUR-DHEERE EE DEGMADA CADALE.

(SAWIRKA)-CAAQIL NUUR XUSEEN.

(CADALE)-Wararka laga helaayo degaanka Bur Dheere ee hoostaga Degmada Cadale ee G/shabeeladda Dhexe kana mid ah Dawlad Goboleedka H/shabeel ayaa sheegaayo in abaarihii (2:41)-Subaxnimo uu halkaasi uu ka dhacay dil loo geystay laba nin oo isku beel ah una adeegaayey Bulshada degta degaanka Bur-Dheere, sida ey inala wadaageen dadka degaanka raga la dilay ayaa la sheegay iney ka soo jeedeen Beesha CELI CUMAR EE WACBUUDHAN Abgaal,waxaane magacyadooda lagu kala sheegay: (1)-Macallin C/laahi Macallin Xabeeb(Fanax),Macallinka waxa uu ahaa maamulaha Shirkadda Hormuud ee degaanka Bur-Dheere. (2)-Muxyadiin Xaaji Caraale Cali, waxa uu ahaa Farsma Yaqaan sameeya Matoorka Ceelka ey biyaha ka cabaan dadka degan degaanka Koogaar, ninkaan dambe ayaa la sheegay inuu adeer u ahaa Caaqil Koogaar, raga dilka geystay ee goobta ka baxsaday ayaa lagu sheegay iney ka soo jeedaan Beesha CABDALLA CAROONE EE HARTI ABGAAL,waxaane muuqato in arrinkaan uu salka ku haayo aano qabiil oo jilbaha dhulka u dhigtay Horumarkii G/shabeeladda dhexe tobankii sano ee la soo dhaafay, waayo maamulka H/shabeele ma aha mid awoodo inuu si hufan uga hawlgalo degaanadda hoos yimaado maamulkiisa. Caaqil Nuur Xuseen oo la hadlay warbaahinta Maxaliga ah ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay iney tahay arrin si aad ah looga xumaado wixii ka dhacay degaanka Bur-dheere, Caaqilka ayaa sheegay in colaada degaanka ka jirtay xalinteeda iney qaadatay waqti aad u dheer lana geliyey juhdi fara badan ey qeyb ka ahayeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamud, Caaqilka ayaa cambaareeyey dilkii dhacay waxa uuna codsi deg deg ah u diray maamulka degmada Cadale, kan G/shabeeladda dhexe iyo kan Dawlad Goboleedka H/shabeela, si cadaaladda loo horkeeno gacan ku dhiiglayashii falkaasi geystay, Caaqil Nuur ayaa dilka ku tilmaamay inuu yahay mid salka ku haayo aano qabiil ee uusan ahayn mid iska dhacay. Dhinaca kale,waxaa xusid mudan in degaanada deriska la ah degaanka uu dilku ka dhacay sida Burshe Sheekh iyo Sumadaale ey hadda isku urursanayaan maleeshiyaadka kooxda AL-shabaab si ey weerar xoogan ugu qaadaan degaanka Xaaji Cali ulana wareegaan, waa ey dhici kartaa in arrintaan dilka ah ey kooxda AL-shabaab ku lug leedahay balse loo baahan yahay in si deg deg ah looga hortago.

Previous
Previous

MARAYKANKA IYO IRAAN OO MARKII 4-AAD KULMAY.

Next
Next

ROOBABKII MUQDISHO OO GALAAFTAY 7-DHIMASHO IYO 9-GURI OO BURBURAY.